Turkiga oo xaqiijiyey in Injineer Turkish ah lagu dilay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Warar dheeraad ah ayaa waxay kasoo baxayaan qarax culus oo duhurnimadii maanta oo Axad ah ka dhacay bartamaha Muqdisho, xarunta Soomaaliya.

Sidda uu xaqiijiyey Booliska, qaraxa oo ahaa nooca dejiska ah ayaa lagu soo rakibay gaari uu watay Injineer dhismaha guryaha oo kasoo jeeda wadanka Turkiga.

Goobjoogeyaal ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online, in ninkaan ajnabiga oo dhaawac ahaan looga qaaday goobta waxaa loo qaaday Isbitaalka Erdoğan [Ex-Digfeer].

Safaaradda Turkida ee magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho ayaa xaqiijisay in Injineerkaasi uu kolkii dambe u geeriyooday dhaawca kasoo gaarey weerarkaasi.

"Waa murugo in aan xaqiijino in geerida muwaadin Turkish oo ku dhintay shil ka dhacay Muqdisho. Waxaan ALLE uga baryeen in uu siiyo Naxariistiisa. Qoyskiisa ayaan sidoo kale uga tacsiyeynaynaa," ayay safaaradu tiri.

Laamaha amaanka Soomaaliya ayaa sheegay in hal qof oo laga soo xiray goobta uu gaarigu ku qarxay oo ah isgoyska KM-4 la waydiinayo su'aallo ku aadan shilkaan.

Kooxda xiriirka la leh Al-Qaacidda ee Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda qaraxaasi oo noqonaya midkii ugu horeeyay ee bisha Ramadaan ka dhaca magaala madaxda dalka leh xeebta ugu dheer Afrika.

Waa markii ugu horeysay, inta la ogyahay sanadihii ugu dambeeyay, in muwaadin u dhashay wadanka Turkiga lagu khaarijiyo qarax ka dhacay guud ahaan Soomaaliya.

Sidda laga soo xigtay xeel-dheerayaasha dhanka amaanka, dilka Injineerkaan ayaa baqdin amni ku beeri kara kuwa kale u dhashay Turkiga iyo dalal kale oo sanadihii ugu dambeeyay kusoo qulqulayey wadanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM