​Safaraadda Somalia ee Yemen oo la xirayo

Image

MUQDISHU, Somalia- War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda Federaalka Somalia, gaar ahaan wasaaradda Arrimaha Dibadda, ayaa lagu sheegay in la xirayo safaaradda dalku ku leeyahay magaalada Sanca ee waddanka Yemen.

Sii haya xilka safiirka ahna Qunsulka Somalia ee Yemen, Cismaan Axmed Maxamed, ayaa warbaahinta u sheegay inay heleen amar kasoo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda kasoo sheegaya in muddo bil ah lagu xiro muddo bil gudaheed ah.

Wararka ku xeeran sababta loo xiray safaaradda, ayuu sheegay inay tahay baqdin dhinaca Ammaanka ah, maadama Somalia ay taageertay dowladda waddankaas ka dhisan, halka magaalada Sanco maamulaan Xuutiyiinta.

Cismaan, ayaa xusay in tallaabadaas saamayn laxaad leh ku yeelan doonto Somalida ku noolo dalka Yemen, ee ka barakacayay colaadaha dalkaas ka taagan.

''Xirnaashaha safaarada Soomaaliya ee Sanca waxaa ay keeni kartaa dhibaato weyn oo soo food saarta dadka Soomaalida ah ee dalkaasi ku dhaqan'' ayuu hadalkiisa raaciyay qunsulka.

Qunsulka, ayaa sidoo kale faah faahin ka bixiyay waxyaabaha ay safaaraddu qaban jirtay, isagoo yiri, “Shaqda safaaradda waxaa ka mid ahaa daa+dgureynta dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan dalka Yaman oo ay saameynta ku yeesheen dagaallada halkaa ka socda,  waxaa naloo soo dirray warqad nooga timid wasaarrada arrimaha dibada Soomaaliya oo lagu amrayo in muddo bil gudaheed ah lagu xirro safaaradda".

Taallaabadan, ayaa imaanaysa xilli safaaraddu soo shaqaysay waqtiyo xaalad adag ku jirtay magaalada Sanca, lamana oga sababta waqtigan loogu beegay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM