Safarka deg deg ah ee Madaxweyne Farmaajo ku tagey Eritrea oo la dhaliiley

Image

ASMARA - Kadib markii Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya uu ka qayb galay kulankii wamadamada Afrika iyo China ee lagu qabtey magaalada Bejing ayaa waxaa wax la iska waydiiyey safarka deg deg ah ee uu ku tagey dalka Eritrea.

Siyaasi Cabdiraxman Cabdi Shakur oo hormuud u ah mucaaradka dowlada Madaxweyne Farmaajo ayaa qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigey ku tilmaamey inuusan jirin aduunka heshiis saacado gudahooda lagu saxiixo.

“Ma durba. Suuragal miyaa in heshiis saacado gudahood lagu saxiixo. Soomaaliya safaarad kuma laha Eriteria, lamana maqal wafdi horu dhac ah oo madaxweynaha hortii Asmara tegey kaa soo diyaarinta iyo dooda heshiiska ka qayb ahaa.” ayuu yiri gudoomiyaha xisbiga Wadajir.

Cabdiraxman Cabdi Shakur ayaa sheegey in safarka Madaxweyne Farmaajo mid uu isaga Idha tirayo dhaawaqa dhiiladda wata ee kasoo yeeraya magalada Kismayo halkaas oo shir uga socdo madaxda maamulada Soomaaliya.

”Su’aashu waxay tahay muxuu Madaxweynuhu dhawaqa dhiilada wata ee Kismaayo ka soo yeeraya isaga indha tirayaa? oo uu mudnaanta u siinayaa, uguna degdegayaa heshiisyada caynkaan ah, isagoon dadkiisii wadan, walaalihiisa deriska ah la tashan, maxaase Shacabka laga qarinayaa.”

Cabdiraxman ayaa qoraalkiisa ku soo gaba-gareeyey baaq uu u direy Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kaas uu kaga codsanyo inuu dib u eegis ku sameeyo heshiisyada deg dega ee mugdigu hareeyey.

Madaxweyne Farmaajo ayaa horey heshiis hordhac ah la saxiixdey RW dalka Itoobiya xilli uu booqasho saacado qaadatey ku yimid magalada Muqdishu taasoo hay’adaha dowlada aysan dib dambe faahfaahin uga bixin.

Dhinac kale heshiiskaan lagu sheegey Sadex Geesoodka ah ee dalalka Itoobiya, Eritrea iyo Soomaaliya waxaa ka maqan dalka Jabuuti.

Jabuuti oo kamid ah dalalka ciidamada Nabad ilaalinta ah u soo dirtey dalka Soomaaliya ayaa waxa colaad dhinaca dhulka ah ka dhexeysaa dalka Eritrea.

Dalalka Itoobiya iyo Eritrea ayaa dhinaca kale heshiis dhow la leh dalalka Sucuudiga iyo Imaraadka xilli dalka Soomaaliya gacansaar dhow la leeyahay dalka Qadar.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo Heshiis ka Gaarey Khilaafkooda Shakhsiyeed

Kulankan oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa diiradda lagu saaray sidii loo yareyn lahaa xiisadda siyaasadeed ee dalka.

  • Soomaliya

    05-01-2026

  • 08:02AM

Dad rayid ah oo ku dhintay qarax miino oo ka dhacay gobolka Galgaduud

Mas’uuliyiin deegaanka ayaa dadka deegaanka ku booriyay inay ka taxaddaraan safarrada waddooyinka xasaasiga ah.

  • Soomaliya

    04-01-2026

  • 01:08PM