Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya oo ka hadlay siideynta Qalbi Dhagax [DAAWO]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Safiirka dowladda Itoobiya ufadhiya Soomaaliya, Jamaaludiin Mustafa Cumar ayaa markii ugu horeysay ka hadlay sii daynta Cabdi Kariin Sheekh Muuse "Qalbi Dhagax", oo katirsan saraakiisha Jabhadda ONLF.

Isagoo warbaahinta kula hadlayay Muqdisho, ayaa wuxuu sheegay in Qalbi-Dhagax siideyntiisa uu ku yimid dalabka dowladda Itoobiya uga xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya.

"In lasii daayo Qalbi Dhagax waxay ku timid codsi ay dowladda Soomaaliya u gudbisay Itoobiya, taasoo Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed aqbalay," ayuu yiri Safiir Jamaaludiin.

Marka laga soo tago hadalka Danjiraha ma jiro war kasoo baxay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo ku aadan wararka sheegaya in lasoo daayay Qalbi Dhagax oo iyada markii hore u gacan gelisay hogaamiyahan katirsan ONLF dowladda Itoobiya sanadkii tagey.

Xukuumadda Khayre ayaa culeys iyo cambaareyn xooggan kala kulantay dhiibista Qalbi Dhagax.

Hadalka Safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo mar sii horeysay Oday dhaqameed Gurigiisa la geeyay Qalbi Dhagax markii xabsiga laga soo daayay uu beeniyay in dowladda Soomaaliya ay lug ku leedahay siideynta Ninkan.

ONLF oo uu ka tirsan yahay Qalbi Dhagax oo ka hadlay waxuu shaki geliyeen sii dayntiisa, iyadoo Afhayeen u hadlay uu ku doodaya in hadii uu xor yahay loo baahan yahay in loo ogolaado inuu aado qoyskiisa iyo caruurtiisa iyo inuu ka bixi karo Itoobiya.

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM