Safiirka Turkiga oo Khayre iyo Wasiirka Dekadaha la kulmay [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, Mehmet Yilmaz ayaa Muqdisho kulamo kula yeeshay Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda, Maryan Aweys.

Qoraal lasoo dhigay barta Twitter-ka ee Safaaradda Turkiga ayaa lagau sheegay in Mehmet Yilmaz iyo Khayre ay kawada hadleen mashaariicda horumarineed ee Turkiga uu kawado Soomaaliya iyo xoojinta xiriirka labada dal.

Safiirka ayaa sidoo kale qaabiley Wasiir Maryan Aweys Jaamac, oo uu kala hadlay iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan arrimaha horumarinta Dekadaha iyo Gaadiidka badda.

Shirkad laga leeyahay Turkiga oo Al-Bayrak lagu magacaabo ayaa maamusha Dekadda Muqdisho, oo ah isha ugu weyn ee dhaqaalaja dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Turkiga ayaa ah saaxiibka ugu weyn ee DF, iyadoo uu ka caawiyo kabida miisaaniyadda oo lacago toos ah usoo mariyo safaaradiisa Muqdisho, iyadoo Muqdisho uu ka furtay 2017 saldhig militeri oo lagu tababaro ciidamada xoogga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Markab Shidaal oo laga Afduubtay Xeebaha Yemen, loona leexiyay dhanka Soomaaliya

Ilaa iyo hadda lama shaacin cidda ka dambeysa afduubka, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo arrintan la xiriira.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 02:20PM

Duulimaadyadii ugu horreeyay ee xujeyda Soomaaliyeed oo gaaray dalka Sucuudiga

Maamulka garoonka Maddiina ayaa sheegay in habraacyada gelitaanka xujeyda Soomaaliyeed loo fuliyay si hufan.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 11:20AM