​Safiirkii Maraykanka u joogay Somaliya oo is-casilay

Image

MUQDISHO, Somaliya- Safiirkii dowladda Maraykanka u joogay waddanka Somaliya ayaa shaaciyay inuu  shaqadii ka tagay sababo u gaar ah, sida ay xaqiijiyeen safaaradaha Somaliya ee Kenya iyo Washington.

Ambassador Schwartz oo ahaa safiirkii ugu horeeyay ee uu Mareykanka u magacaabo Somaliya muddo rubac qarni ah, shaqada ka tagay xilli uu jiro khilaaf u dhaxeeya DFS iyo maamul goboleedyada kaasoo salka u haya arrimo siyaasadeed.

Lama oga sababta rasmiga ah uu shaqada uga tagay marka laga reebo hadalkiisa ah inuu xafiiska u baneeyay arrimo u  gaar ah.

Ninkan oo shaqada loo dhaariyay  bishii June sanadki 2016-kii, ayaa xafiiskiisu dowladda Somaliya ka caawinayay arrimaha amniga, dhismaha ciidamada Somaliya iyo hirgalinta nidaamka Federaalka.

Safiirka Soomaaliya ee Mareykanka Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa u xaqiijiyay VOA-da is casilaadda safiirka, isagoo sheegay in iscasilaadiisa la soo gaarsiiyay laba maalmood ka hor.

Majirto wax war ah oo ilaa hadda kasoo baxay dowladda Somaliya, kaasoo ku aadan sida ay u aragto is-casilaada Schwartz.

Arrintan ayaa timid xilli Maraykanu uu si toos ah ciidamadiisu uga howlgalaan dalka gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab, waxay diyaaraha Washington duqaymo ka gaystaan Koonfurta dalka.

Lama oga waxa arrintan ka badali doonto calaaqaadka labada waddan oo muddooyinkii dambe soo hagaagayay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM