Salaad Cali Jeelle oo ka sheekeeyay weerarkii hotel Naasa Hablood 2 [Dhageyso]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Siyaasiga Salaad Cali Jeelle, oo dowladdii KMG ee Marxuum Cabdullaahi Yuusuf kasoo noqday Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga ayaa ka sheekeeyay siduu u dhacay weerarkii Hotel Naasa Hablood 2.

Isagoo la hadlayay BBC Somali, ayaa Salaad wuxuu sheegay in weerar uu ku billowday qarax xoog badan, kaasi oo dhacay isagoo shaah ku cabaya barxadda gudaha Hotel-ka, kadibna uu ku cararay dabaqa sare.

"Qaraxa wuxuu ahaa mid baabuur lagu keenay oo daba socotay tiro yar oo ciidan ah oo xiran, aniga waxaa isku dayay inaan qolkayga ka doonto qori, balse iyagaa iga hormaray oo kor fuulay," ayuu yiri Saalad Cali Jeelle.

Wuxuu sheegay Siyaasiga in indhihisa uu ku arkay kooxa dablayda ah ee weerarka toos ah kusoo galay Hotel-ka, kuwaasi oo si dirqi ah uga badbaaday, kadib markii uu ku orday wado dhabarka dambe ku taalla.

Salaad Cali Jeelle oo mudo dheer deganaa Hotel-ka Naasa Hablood, ayaa sheegay inuu markasta ku tashanayay weerar Al shabaab kusoo qaado hotel-ka uu degan yahay, sidaasi darteed u diyaarsaday qori uu isku difaaco.

Isagoo hadalkiisa sii wato ayaa tilmaamay in hotel-ka oo ka kooban 3 biyaano, dhamaantiisa uu ku burburay weerarka, kaasi oo qaatey mudo 11 saacadood ah, oo gudaha dagaal qaraar ka dhacay.

Salaad ayaa xusay in Dagaalyahanada ay nalka ka jareen Hotel-ka, islamarkaana dad badan ku toogteen dabaqa labaad, kuwaasi oo uu ku jiro Wasiirkii Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed Madoobe Nuunow, oo qolkiisa ugu galeen.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM