Saldhig ay Al-Shabaab leedahay oo la duqeeyay [Fahfaahin]

Image

LEEGO, Soomaaliya - Duqayn looga shakisan yahay inay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn [Drones] ee dowladda Mareykanka ayaa ka dhacday degaanka Leego ee gobolka Shabeellaha Hoose, maanta oo Sabti ah.

Sida laga soo xigtay dadka degaanka, duqeynta waxaa lala beegsaday Saldhig ay xoogaga Al-Shabaab ku leeyihiin degaankaas, halkaasoo ku sugnaayeen saraakiil sare oo dagaalyahano badan.

Wararka ayaa intaas ku daraya in xiliga duqaynta ay dhaceysay ay Al-Shabaab fulinayeen dil toogasho ah, taasoo ay kasoo qayb galeen qaar kamid ah dadka degaanka, iyo xubno kale Shabaab ah.

Ma cadda khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay duqaynta, balse, illo wareedyo dhanka amaanka ah oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa u sheegaya Garowe Online in xubno Shabaab ah ay goobta ku dhinteen.

Al-Shabaab oo dhinaceeda war rasmi ah kasoo saartey weerarka dhanka cirka ah, ayaa waxay sheegtay in dad shacab ah oo kaliya lagu dilay duqeynta, iyadoo meesha ka saartay inay jiraan Dagaalyahano iyo saraakiil looga dilay.

Taliska Howlgalka Mareykanka ee Qaaradda Afrika, kaasoo loosoo gaabiyo AFRICOM wali kama uusan hadlin warkaan, inkasta oo xiriiro uu la sameeyay Warsidaha GO aysan ka jawaabin.

Duqayntaan ayaa kusoo beegmaysa labo todobaad ka hor howlgalka AFRICOM uu sheegtay in weerar dhanka cirka ah oo ay ka fuliyeen degaan ku dhow Baladul-Amiin ay ku dileen Afar kamid ah xubnaha Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo Saraakiil Ciidan kula shiray Baydhabo

Shirka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga iyo isku-duwidda hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo nabadgelyo waarta.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:55AM

Dowladda oo billowday bixinta kaararka codbixinta doorashada xili uu jira khilaaf

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ku adkaystay in doorashadu ay dhici doonto waqtigeeda.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:04AM