Saldhiga "ugu wayn" ee Al-Shabaab oo la duqeeyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Warar dheeri ah ayaa kasoo baxaya weerar cirka ah oo lala beegsaday Saldhigyo ay Al-Shabaab ku leedahay magaalooyinka Bu'aalle iyo Jilib ee gobolka Jubadda Dhexe, saacdihii lasoo dhaafey.

Saldhiga ugu wayn oo ay Al-Shabaab ku leedahay duleedka magaalada Bu'aalle ee xarunta gobolka ayaa waxaa la sheegay in xiliga weerarka lagu qaaday ay ku sugnaayeen dagaalamayaal badan.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalamayaasha ay xiligaasi isku diyaarinayeen weerar ay qaadaan, inkasta oo aanan la ogeen halka uu ku wajahnaa duulaankaasi ay qorsheynayaan.

Saraakiisha ciidanka xooga ee ku sugan gobolka ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in duqaynta lagu dilay 10 kamid ah dagaalamayaasha Al-Shabaab, oo ay ku jiraan saraakiil.

Duqaynta kale ee lala beegsaday Saldhig Jilib ayaa la sheegayaa in xubnaha lagu dilay uu kamid yahay Madaxa Amniyaata Al-Shabaab ee gobolka Banaadir, kaasi oo magaciisa lagu soo koobay Cabdifitaax.

Al-Shabaab illaa iyo haatan wali kama aysan soo jawaabin sheegashooyinka kasoo yeeraraya taliska milatariga Soomaaliya ee ku sugan gobolada hoos-yimaada Jubbaland.

Ma jiro sidoo kale dal kamid ah kuwa ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya oo sheegtay masuuliyadda duqayntani, balse, Mareykanka iyo ciidamada Kenya ayaa aalaabada halkaasi ka fuliya weerarada cirka ah.

Talaadadii ayey ahayd markii war kasoo baxay Taliska Mareykanka ee Qaaradda Afrika lagu sheegay in duqayn ay ka fuliyeen duleedka Kismaayo ay ku dileen Sagaal kamid ah xubnaha Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM

Soomaaliya oo Cambaareysay Weerarrada Iran kusii wado Dalal Khaliijka Carabta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay taageersan tahay dhammaan dadaallada nabadeed ee lagu xallinayo khilaafaadka gobolka.

  • Soomaliya

    05-03-2026

  • 08:15PM