Sanbaloolshe: Dowlada amniga dalka waxay kaga mashquushay ficiltan
MUQDISHO, Soomaaliya - Cabdullaahi Maxamed Cali [Sanbaloolshe], taliyihii hore ee sirdoonka Soomaaliya ayaa wax laga waydiiyay xaalada amni ee magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.
Nabad-gelyada magaala madaxda Soomaaliya oo umuuqata mid aanan gacanta dowladda si buuxda ugu jirin ayaa waxaa ka dhacayey maalmihii u dambeeyay dilal iyo qaraxyo.
Sanbaloolshe ayaa soo bandhigay waxa uu aaminsan in ay sabab u yihiin in iyada oo muddo labo sano ay jirto dowlada aaney wali wax qabad muuqda oo dhanka amaanka ah aysan sameynin.
"[Waxaa sabab u ah] qorshe amni oo cad aanu jirin, dowlada oo siyaasad iyo la ficiltanka ashqaasi gaar ah ku mashquushay," ayuu ku sheegay wareysi uu siiyay Dalsan Tv.
Agaasimihii hore ee hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka ayaa rumeysan in sababaha kale ay qayb ka tahay xoogaga AMISOM oo howlgala joojiyay, bilaabeyna dib u gurasho.
"Markii hore [AlShabaab] qaraxyada way lasoo dhuuman jirtay..laakiin hadda si toos ah ayey ula aadayaan meeshay doonan…waxayna muujineysa in aanu jirin [cudud] ka hortegi karta ama difaaci karta," ayuu hadalkiisa ku daray.
Sanadkii 2017-kii ayay ahayd markii Sanbaloolshe shaqada laga eryay taasoo ka dambeysay markii ay bateen falalka liddiga ku ah amaanka ee laga wariyay caasimadda.
"[Hadda] xitaa taliye saldhig xilka loogama qaadayo...waxaana ii muuqata in aaney madaxdu waxba ka gelin cidda dhimaneysa..marka sharcigii qaban waaya madaxda sare miyuu kuwa hoose qabanayaa?" ayuu is waydiiyay.
Mareykanka ayaa weeraro cirka ah ku beegsada fariisimaha ay Al-Shabaab ku leedahay gobolada dalka, taasoo Washington sheegayso in ay hoos u dhigeyso awooda ay kooxda ku abaabuli karto weeraro.
"Duqeymaha waxaa loogu talagalay in ciidamo culeys saaran looga dulqaado, ee ma keeni keenayso guul," ayuu ku doodayaa, isaga intaasi ku daray "Shabaabka duqeymaha kasoo cararay ayaa magaalooyinka dadka ku dilaya.
Ugu dambeyntii, si loo helo amaan la isku haleyn karo, ayuu soo jeediyay in la diyaariyo ciidamo Soomaaliyeed oo si joogta ah u helaya xuquuqdooda iyo in xukuumada la timaado qorshe waafi ah oo lagu wajahayo Al-Shabaab.
"Banooniga wuxuu sharaf ku leeyahay in ay dheelayso labo koox oo is-ceersaneysa…hal koox hadii ay dheelayso nah maleh…sida muuqata, dagaalka dhinaca Shabaab ayuu ka socdaa, dhinaca kale maba ku jiro," ayuu xusay.
Hadalka taliyihii hore ee NISA ayaa kusoo aadaya iyada oo todobaadkii hore kadib weerarkii Maka Al Mukarama uu qiray Madaxwayne Farmaajo inaanu amaanka dalka waxba kaga qaban karin mudada labo sano ah ee u hartay.
GAROWE ONLINE