Sanbaloolshe oo eedeyn u jeediyey Villa Soomaaliya
GAROWE, Puntland – Tan iyo markii xukunka uu qabtay madaxweyne Farmaajo, ciidamadda Soomaaliya waxaa loo kala qeybiyey laba daraf ayadda oo la xeerinayo dano gaar ah, sidda uu sheegay taliyihii hore ee hay'ada NISA.
Cabdullaahi Maxamed Cali oo ka hadlay Madasha Aragti-wadaaga Heritage ee Garowe ayaa xusay in ciidamadda lagu kala soocay "Tuugo" oo loogu yeero qaarka dhaliilsan dowlada iyo "Kuween" – oo loogu yeero kuwa taageersan maamulka talada dalka haya ee waqtiga kasii dhamaanayo.
Cali oo loo garan og-yahay Sanbaloolshe ayaa ku eedeeyay Villa Soomaaliya in ay siyaasadeysay sugida ammaanka iyo dhismaha ciidanka Qaranka.
"Tan iyo markii talada dalka qabtay Farmaajo ciidamadda waxaa loo kala safay – Tuugo oo loogu yeero kuwa Al-Shabaab ka xoreeyay Muqdisho ilaa Jalalaqsi, iyo Baraawe ee kasoo jeeda Shabeellaha Dhexe, Hiiraan, iyo Shabeellaha Hoose, halka kuwa laga keeno Gedo, Buuhoodle iyo Caabudwaaq loo yaqaano ciidan Qaran," ayuu ka dhawaajiyey Sanbaloolshe.
Sidda laga soo xigtay Sanbaloolshe, madaxda dowladda federaalka ah ayaa si dhow ula socda xaaladda ciidamadda loo diray Qadar iyo Eritrea.
Sanbaloolshe oo hadalkiisa sii wata ayaa carabka ku dhuftay in todobaadkii lasoo dhaafa hub laga bixiyey Madaxtooyadda Qaranka ee Muqdisho loona qeybiyey dad shacab ah balse ma uusan caddeyn ujeedada laga leeyahay.
"[Balse] marqaatigeeda annagaa hayna," ayuu ku daray Sanbaloolshe kaasoo tibaaxay in ciidamadda la geeyay gobolka Gedo ay leeyihiin hogaan gaar ah uuna madax u yahay "nin lagu magacaabo Kulane Jiis kaasoo ay ila adeer yihiin madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Farmaajo]".
Ugu dambeyntii, agaasimihii hore ee Hay'adda nabad-sugida iyo sirdoonka Qaranka ayaa tibaaxay in ciidamadda xoogga la siyaasadeeyay isla markaana la qabyaaladeeyay ayadda oo la eegayo heebta ay asal ahaan kasoo jeedan.
GAROWE ONLINE