Sanbaloolshe oo ganafka ku dhuftay warar laga faafiyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliyihii hore ee hay'adda nabad-sugida iyo sirdoonka Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Cali [Sanbaloolshe], ayaa ganafka ku dhuftay warar ay baraha bulshadda ku faafiyeen taageereyaasha maamulka Farmaajo.

Sanbaloolshe oo qoraal ku daabacay bartiisa gaarka ah ee mareegaha Facebook ayaa sheegay in ay waxba kama jiraan yihiin sheegashooyinkaas la faafiyey.

Sidda laga soo xigtay Sanbaloolshe, mowqifkiisa wuu cad yahay waana in dalka laga badbaadiyo xukun boobka uu damacsan yahay madaxweynaha waqtiga ka dhacay.

Safiirkii Soomaaliya ee Turkiga ayaa carabka ku adkeeyay in uu taageersan yahay shirweynaha shalay Muqdisho ku yeelatay Beesha Hawiye kaasoo lagu cambaareeyay laguna diidey muddo kororsiga uu sameystay Farmaajo.

"Waxaan arkay warar meelaha lagu soo qoray oo sheegaya in aan si aad ah u dhaliilay mucaaradka isla markaasna aan ku baaqay in Farmajo iska jooga waxaan cadeynayaa in uu warkaasi yahay waxba kama jiraan iyo been abuura la iga faafiyey," ayuu hoosta ka xariiqay Sanbaloolshe.

Wuxuu hadalkiisa intaas ku daray: "Aniga mowqifkeygu waa cad yahay oo waa in Farmajo iyo damaciisa xukun boob ka ah dalka laga badaadiyo oo si cad oo aan gambasho la heyn looga hor yimaado".

"Waxaan si weyn u boogaadinayaa una taageersanahay mowqifka mucaaradka iyo go'aanka shir weynaha Hawiye ee maanta lagu qabtay muqdisho oo hal ku dhiigiisa ahaa no extension," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Sanbaloolshe.

Taageereyaasha Farmaajo ayaa baraha bulshadda waxay ku faafiyeen in Sanbaloolshe uu ku dhaleeceeyay mucaaradka in aysan mowqif lahayn isla markaana aysan qiran fashilka ama dharbaaxada ay kala kulmaan dowladda xilliga uu ka idlaadey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM