Saraakiil Ajaanib ah oo ka tirsanaa Al-Shabaab oo la dilay [Xog cusub]

Image

MUQDISHO, Somalia - Taliska ciidamada xooga Somalia ayaa guulo ka shegtay howlgal saacadihii lasoo dhaafay ay ka fuliyeen tuulooyinka Baladul Amiin iyo Hanti-wadaag ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgaladda oo ay iska kaashanayeen ciidamo Mareykan ah ayaa lagu beegsaday Saldhigyo ay degaanadaasi ku leedahay kooxda Al-Shabaab ee cilaaqaadka la leh Urur-waynaha Al-Qaacidda.

Sarkaal uhadlay milatariga Soomaaliya ayaa u sheegay warbaahinta ku hadasha afka dowladda in howlgaladaasi ay ku khaarijiyeen 80 kamid ah dagaalamayaasha Shabaab, oo ay ku jiraan Ajaaniib.

Magacyadda Ajaaniibta ayuu ku kala sheegay; Aweys Abu Xamza Almifsali, Abuu Bilaal Zubeyr, Ibraahim Afgaan, Aadan Xaash Abuu Musiyaan iyo Feysal Bin, kuwaasi oo kasoo kala jeeda dalal Afrikaan iyo Aasiya.

Marka laga soo tago sheegashada taliska ma jirto illo madax banaan oo xaqiijinaya, inkasta oo Shabaab ay garabka ku dhuftay, ayna tilmaamtay inay ciidamada beegsadaan goobo ay shacab degan yihiin.

Shabeellaha Hoose, waa mid kamid ah gobolada ugu amniga xun dalka, dhanka kale, waa midka ugu kheyraadka badan Soomaaliya, balse, shacabka ku nool ayaa waxa la daalaadhacaya xaaladaha maamulka looga fadhiyo inuu wax ka qabto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM