Saraakiil ka tirsan Booliska Soomaaliya oo musuq-maasuq loo xiray

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - In ka badan 20 xubnood oo isugu jira Askar iyo saraakiil ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa Xabsi ku yaala Muqdisho, kadib musuq-maasuq iyo amar diido uu kusoo eedeeyay xafiiska xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka.

Taliye ku xigeenka Hay’adda Dambi baarista ee CID-da, Bishaar Abshir Geedi ayaa wuxuu carabka ku dhuftay in xubnaha la xiray lasoo taagi doono maxkamad kahor inta aanan la marsiinin baaritaan dheeri ah oo ku saabsan dambiga loo haysto.

"Hay'adda Dambi baarista Soomaaliyeed waxay gacanta ku haystaa kiiska 28 Askari Boolis ah oo ay ku jiraan Saraakiil oo loo heysto Eedeymo la xariira Musuq maasuq iyo Amar diido. Baaritaanno kadib maxkamada ayaa la horgayn doonaa," ayuu yiri Geedi.

Xariga saraakiishaan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xili xabsiyadda dowladda ay ku jiraan waqti xaadirkaan xubno kale oo loo haysto musuq-maasuq, kuwaasoo aanan wali cadaaladda la horgaynin, lamana ogga sababata arrintaasi dhalisay.

Madaxda dowladda gaara ahaan Ra'iisul Wasaaraha dalka Xasan Cali Khayre ayaa mar sii horeysay wacad ku maray in xukuumadiisa ay gacan-bir ah ay ku qaban doonto cid walba oo musuq-maasuq lagu soo eedeeyo, isaga oo udigay Wasiiradiisa.

Hanti-dhowrka Qaranka mudane Afgooye ayaa dhankiisa ku goodiyay in olalaha la dagaalanka musuq-maasuqa oo ay wado dowladda hadda jirta uu "saameyn ku yeelan doono" xafiiska Madaxwaynaha dalka iyo waliba kan Ra'iisul Wasaare Khayre.

Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed wali war rasmi ah kama uusan soo saarin warka kasoo yeeray hogaanka Dambi-baarista Qaranka ee ku aadan in Askar iyo Saraakiil Boolis ah wax isdabamarin lagu soo eedeeyay, islamarkaana xabsi loo dhigay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Elon Musk oo ku baaqey in la Xiro Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Abuukar Baalle

Abukar Dahir Osman ayaa la wareegay madaxtinimada wareegta ah ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 1-da Janaayo 2026.

  • Soomaliya

    02-01-2026

  • 06:54PM

Hogaamiye Al-Shabaab oo Mareykanka $5 million dul-dhigay madaxiisa oo lagu dilay Jilib 

Dowladda Federaalka ayaa mar kale adkaysay go’aankeeda ah inay sii waddo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    02-01-2026

  • 07:41AM