Saraakiil ka tirsan Booliska Soomaaliya oo musuq-maasuq loo xiray

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - In ka badan 20 xubnood oo isugu jira Askar iyo saraakiil ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa Xabsi ku yaala Muqdisho, kadib musuq-maasuq iyo amar diido uu kusoo eedeeyay xafiiska xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka.

Taliye ku xigeenka Hay’adda Dambi baarista ee CID-da, Bishaar Abshir Geedi ayaa wuxuu carabka ku dhuftay in xubnaha la xiray lasoo taagi doono maxkamad kahor inta aanan la marsiinin baaritaan dheeri ah oo ku saabsan dambiga loo haysto.

"Hay'adda Dambi baarista Soomaaliyeed waxay gacanta ku haystaa kiiska 28 Askari Boolis ah oo ay ku jiraan Saraakiil oo loo heysto Eedeymo la xariira Musuq maasuq iyo Amar diido. Baaritaanno kadib maxkamada ayaa la horgayn doonaa," ayuu yiri Geedi.

Xariga saraakiishaan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xili xabsiyadda dowladda ay ku jiraan waqti xaadirkaan xubno kale oo loo haysto musuq-maasuq, kuwaasoo aanan wali cadaaladda la horgaynin, lamana ogga sababata arrintaasi dhalisay.

Madaxda dowladda gaara ahaan Ra'iisul Wasaaraha dalka Xasan Cali Khayre ayaa mar sii horeysay wacad ku maray in xukuumadiisa ay gacan-bir ah ay ku qaban doonto cid walba oo musuq-maasuq lagu soo eedeeyo, isaga oo udigay Wasiiradiisa.

Hanti-dhowrka Qaranka mudane Afgooye ayaa dhankiisa ku goodiyay in olalaha la dagaalanka musuq-maasuqa oo ay wado dowladda hadda jirta uu "saameyn ku yeelan doono" xafiiska Madaxwaynaha dalka iyo waliba kan Ra'iisul Wasaare Khayre.

Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed wali war rasmi ah kama uusan soo saarin warka kasoo yeeray hogaanka Dambi-baarista Qaranka ee ku aadan in Askar iyo Saraakiil Boolis ah wax isdabamarin lagu soo eedeeyay, islamarkaana xabsi loo dhigay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM