Saraakiil ka tirsan Sirdoonka Soomaaliya oo la ruq-seeyay [SABABTA]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - In ka badan 200 xubnood oo ka tirsan sirdoonka Soomaaliya ayaa shaqada laga joojiyey, sida uu shaaca ka qaaday Mudane ka tirsan Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka ah.

Xilldhibaan Macalin Cali oo hadal ka jeedinayey Doodii ku kuleyd oo ay Sharci-dejiyaasha ka yeesheen amaanka caasimada ayaa tibaaxay inaan kala caddeyn sababta saraakiisha shaqada looga ruq-seeyay.

Cali oo kamid ah Guddiga amaanka ee Gollaha Shacabka ayaa ka codsaday Wasaarada Amniga Gudaha iyo Hay'adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka ee NISA ay cadeeyeen sababta saraakiishaan loo eryay.

"Waxaan haynaa war ku saabsan in 200 sarkaal oo ka tirsan NISA shaqada laga ruq-seeyay. Waana inay cadeeyaan sababta hay'adda arrintaasi ku shaqadda leh," ayuu yiri Xilldhibaan Macalin Cali.

Ciidamada NISA oo kolkii hore iyaga gacanta ku hayey amaanka magaalo madaxda dalka ayaa laga wareejiyey kadib markii weeraro xiriir ah lagu qaadey xarunta Wasaarada Amniga iyo Kontaroolka koowaad ee Villa Soomaaliya.

Kadib weeraradaasi, amaanka caasimada waxaa loo gacan-geliyey ciidamo Boolis ah, inkasta oo ciidamada NISA iyo kuwa Xasilinta oo isku dhaf ah ay howlgalo qarsoodi ah ka fuliyaan magaaladda.

Talaabadaani ayaa imaaneysa xili horaantii sanadkaan in ka badan 70 sarkaal oo NISA ka tirsan loo eryay Saanad la'aan iyo shaki uu ka qaadey hogaanka Hay'adda, taasoo mudooyinkii dambe buuq uu hareeyay.

NISA oo ah unuga ugu fir-fircoon ee hay'adaha amniga dowladda Federaalka ayaa dhexda ka gashay qalalaase iyo khilaafaad tan iyo markii Fahad Yaasiin loo magacaabey Taliye ku xigeenka Hay'addan, kaasoo xiriir dhaw la leh sirdoonka Qadar.

Fahad oo hore u ahaa Agaasiimaha Villa Somalia, ayaa bedelay Cabdalla Cabdalla, kaasoo daboolka ka qaadey in NISA ay kamid yihiin xubno badan oo Al-Shabaab kasoo goosaty oo wali xogaha sirta ah u dusiya, sidoo kalena fuliyay howlgallada gaarka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM