Al-Shabaab oo Saraakiil loogu dilay Duqeyn ka dhacday Jubbada Dhexe

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Dowladda Soomaaliya ayaa sheegatay in duqayn ay diyaarado dagaal ka fuliyeen tuulada Hargeysa-yareey oo ku taalla duleedka degmada Jilib lala beegsaday dhismo ay ku shir-sanaayeen saraakiil Al-Shabaab ka tirsan.

Weerarka cirka ayaa ka dhacay xalay oo Sabti ahayd meel qiyaastii 11-KM u jirta Hargeysa-Yareey, waxaana lagu dilay 15 xubnood oo kamid ahaa Al-Shabaab, sida ay sheegtay DF.

Warbaahinta ku hadasha afka dowladda Soomaaliya ayaa ku sheegtay magacyadda ragga lagu dilay duqeynta; Daahir Gacmay, Cabdiraxmaan Takar, Sayid Dheere, Cabdullaahi Rabbi, iyo mid kale oo magaciisa lagu soo koobey Waliid.

Balse, ma aysan shaacin warbaahinta dowladda halka laga leeyahay diyaaradaha fuliyay howlgalkaan dhinaca cirka ah.

Ma jiro illo madax banaan oo xaqiijinaya warkan, iyadoo aysan wali kadlin Al-Shabaab duqeynta, oo qeyb ka ah weeraro diyaaradaha shisheeye ay dalka ka fulinayaan.

Duqaymahaan ayaa imaanaya xili bishaan uu Mareykanka sare u qaaday gulufka dhinaca cirka ee ka dhanka ah Al-Shabaab, xili uu wax ka badan shan duqayn oo khasaaro dhaliyay ka fuliyay gobolka Mudug todobaadkii tagey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM