Saraakiil katirsan ilaaladda Villa Somalia oo loo xiray tacadi ay u geysteen Suxufiyiin

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Saddex Saraal oo katirsan Ilaaladda Madaxtooyadda Villa Somalia ayaa xabsiga loo dhigay tacadiyo ay u geysteen Wariyeyaal ka howlgala magaaladda Muqdisho.

Saraakiisha oo aan magacyadooda la shaacin, ayaa waxay 18-kii bishan si xun ula dhaqmeen labo suxufi kuwaasoo ay jirdil u gesyteen kadibna inta indha ay uga xireen shaararkooda jiifiyay wadada Makka Al-Mukarama.

Wariyeyaasha ayaa ku guda jira duubista muuqaal wadooyinka waaweyn oo 18-kii bishan loo xiray dhagax-dhig uu Ra'iisul Wasaare Khayre ku sameynayay wadooyinka caasimadda ku xira Afgooye iyo Jowhar, oo dowladda Qadar ay maalgelinayso.

Sawirada suxufiyiinta wadada la jiifayay iyagoo indha ka xiran ayaa wabsadey baraha bulshada, oo aad looga falceliyay sida xun ee loola dhaqmay, iyadoo ay arintan ka hadleen mas'uuliyiin uu kamid yahay wasiirka Warfaafinta, Daahit Maxmuud Geelle.

Saraakiisha falkan ku kacay oo kamid yihiin Ururka 60-aad ee ciidamada Militeriga, ayaa lagu hayaa sida la sheegay xarunta dembi baarista [CID].

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM