Saraakiil lagu dilay weerar ka dhacay maamulka Galmudug

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Lix sarkaal oo ka tirsanaa milatariga Soomaaliya ayaa lagu dilay weerar gaadmo ah oo dabley kula eegatay duleedka degmadda Balanbale ee gobolka Galgaduud maanta oo Arbaco ah, sidda ay xaqiijiyeen masuuliyiin kala duwan.

Sidda ay wararku xusayaan, kooxihii hubeysanaa ee ka dambeeyay falkaas ayaa ka baxsaday meesha ay wax ka dhaceen.

Warbaahinta ku hadasha afka dowladda ayaa ku warantay in saraakiisha "la laayey" ay kamid ahaayeen cutubyo maanta tababar loogu soo xiray xeradda Harqaboobe ee degmadda Guriceel.

"Xubnaha weerarka geystay ayaa dhameystiray dhaawacyada Saraakiisha qaar oo markii hore soo hadley taasi oo Dhimashada dib ka kordhisay, sidoo kale waxaa la la'yahay Afar sargaal oo aan wali la helin nolol Iyo geeri toona," ayuu tabiyey telefishinka dowladda Soomaaliya.

Saraakiisha la beegsaday ayaa kusii jeeday guriyahooda oo ay ka maqnaayeen mudadii ay tababarka qaadanayeen.

Guuleed Cabdirashiid Xasan, sarkaal milatari oo ku sugan gobolka Galgaduud, ayaa u sheegay wakaaladda wararka Anadolu in saddex sarkaal kale ay ku dhaawacmeen falkaas.

Illo wareedyo degaanka ah oo u waramay Garowe Online ayaa tibaaxay in ciidamo yimid goobta ay wax ka dhaceen ay bilaabeen baaritaano.

Saraakiisha dhimatay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay; Gaashaanle Dhagaqool Yuusuf, Gaashaanle Cabdi Gune, Gaashaanle Faarax Jaamac Colaad, Kabtan Shariif Cirro Maxamed, Gaashaanle Ganguul Xalane, iyo Kabtan Saciid Xasan Faley.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir ahna murashax madaxweyne doorashadda soo aadan, ayaa ka falceliyey weerarka.

"Waxaan tacsi u dirayaa ehellada, asxaabta iyo ciidanka xooga dalka dilka xaqdarida ah ee loo gaystay saraakiisha maanta lagu laayey inta dhaxaysa Balanbale iyo Guriceel. Waa in cadaalada la horkeenaa danbiilayaashii falkaas arxandarida ah gaystay. Allaha u naxariisto sabar iyo iimaana Allaha ka siiyo ehelkooda. Aamiin," ayuu kusoo qoray ciwaankiisa Facebook-ga.

Bishii hore, weerar ay Al-Shabaab ka fulisay degmadda Bacaadweyn ee gobolka Mudug ayaa lagu xasuuqay "50 shacab ahaa," sidda uu sheegay milatariga Soomaaliya. Madaxda Galmudug waxay adkeynta xasiloonida kaga mashquuleen siyaasada iyo doorashooyinka 2020-21.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Markab Shidaal oo laga Afduubtay Xeebaha Yemen, loona leexiyay dhanka Soomaaliya

Ilaa iyo hadda lama shaacin cidda ka dambeysa afduubka, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo arrintan la xiriira.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 02:20PM

Duulimaadyadii ugu horreeyay ee xujeyda Soomaaliyeed oo gaaray dalka Sucuudiga

Maamulka garoonka Maddiina ayaa sheegay in habraacyada gelitaanka xujeyda Soomaaliyeed loo fuliyay si hufan.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 11:20AM