Saraakiil lagu waayay weerarkii Galgaduud oo nolol la helay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Kadib baadi-goob socday tan iyo xalay ayaa lagu guuleystay in lasoo badbaadiyo labo Sarkaal oo katirsan guutada 21aad ee Ciidanka xoogga dalka oo shalay la waayay kadib markii jidka looga galay Kolonyo ay la socdeen.

Labada Sarkaal oo lagu kala magacaabo Qalbi Indha-taag iyo Gaashaanle Warsame Xasan ayaa saakay laga soo badbaadiyay dhul howd ah, oo ay isku qariyaan kadib markii saaxiibadooda lagu laayay duleedka Balanbale.

Waxay ahaayeen Saraakiil tababar kusoo qaatey Guriceel, oo iyagoo dib ugu laabanayay Balanbale lagu weeraray wadada, kadibna laga dilay 6 Sarkaal oo meydadkooda Maanta la aasay.

Lama oga cida ka dambeysa weerarka, laakiin Galmudug waxay sheegtay inay socdaan baaritaanno lagu ogaanayo sababta loo beegsaday Saraakiisha, iyadoo wararka ay sheegayaan in la qabtay mid kamid ah kuwa falkan geystay.

Gobolka Galgaduud ayaa kamid ah meelaha ugu badan oo ay ka dhacaan dagaal beeleedyada iyo dilalka aanooyinka qabiil, iyadoo Kooxda Al-Shabaab ay khatar ku hayso amniga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Ammaanay Guusha Puntland ka gaartay Dagaalka Daacish

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ciidamada ammaanka Puntland ay wadaan hawlgallo xooggan oo ka dhan ah kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 04:13PM

Soomaaliya oo Safiir Cusub u Magacowday Suuriya oo tan iyo 2011 dagaal ku jirtay

Danjirihii hore ee ku-meel gaarka ahaa, Daahir Maxamuud Muuse, ayaa horey u aas-aasay wadashaqeynta dib u furashada xiriirka.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 03:55PM