Saraakiil Mareykanka ah oo tagey Dhuusamareeb [Akhri Ujeedka]

Image
Image

DHUUSAMAREEB - Madaxa xukuumadda Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir ayaa magaaladda Dhuusamareeb uu kulan gaar ah kula yeeshay saraakiil ka socotay Wasaaradda Gaashaandhiga Mareykanka, qaybta Qaaradda Afrika.

Kulanka oo ay goobjoog ahaayeen xubno ka tirsan Galmudug oo ay kamid yihiin Xilldhibaano waxaa diiradda lagu saarey arrimo ku saabsan amniga iyo sidii loo dar-dargelin lahaa howlgalada ka dhanka ah xoogaga Al-Shabaab ee degaanaddaas ku sugan.

Agaasimaha Madaxtooyadda ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug oo kulanka kadib la hadlay warbaahinta ayaa daboolka ka qaaday in saraakiisha Mareykanka ay balanqaadeen inay ka taageeri doonan maamulka la dagaalanka Shabaab.

Wuxuu intaas ku daray in leysla meel-dhigay in ciidamadda sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaan Danab ee hoos-taga Taliska Mareykanka ee Soomaaliya ay xarumo ciidan ka sameystaan degaanada Galmudug, gaara ahaan magaalada Dhuusamareeb.

Madaxa xukuumadda Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa gudaha garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb uu kulan gaar ah kula yeeshay saraakiil ka socotay Wasaaradda Gaashaandhiga Mareykanka, qaybta Qaaradda Afrika.

Kulanka oo ay goobjoog ahaayeen xubno ka tirsan Galmudug oo ay kamid yihiin Xilldhibaano waxaa diiradda lagu saarey arrimo ku saabsan amniga iyo sidii loo dar-dargelin lahaa howlgalada ka dhanka ah xoogaga Al-Shabaab ee degaanaddaas ku sugan.

Agaasimaha Madaxtooyadda ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug oo kulanka kadib la hadlay warbaahinta waxa uu daboolka ka qaaday in saraakiisha Mareykanka ay balanqaadeen inay ka taageeri doonan maamulka la dagaalanka Shabaab.

Wuxuu intaas ku daray in leysla meel-dhigay in ciidamadda sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaan Danab ee hoos-taga Taliska Mareykanka ee Soomaaliya ay xarumo ciidan ka sameysan doonan degaanada Galmudug, gaara ahaan Dhuusamareeb.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM