Saraakiil Mareykanka ah oo tagey Dhuusamareeb [Akhri Ujeedka]

Image
Image

DHUUSAMAREEB - Madaxa xukuumadda Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir ayaa magaaladda Dhuusamareeb uu kulan gaar ah kula yeeshay saraakiil ka socotay Wasaaradda Gaashaandhiga Mareykanka, qaybta Qaaradda Afrika.

Kulanka oo ay goobjoog ahaayeen xubno ka tirsan Galmudug oo ay kamid yihiin Xilldhibaano waxaa diiradda lagu saarey arrimo ku saabsan amniga iyo sidii loo dar-dargelin lahaa howlgalada ka dhanka ah xoogaga Al-Shabaab ee degaanaddaas ku sugan.

Agaasimaha Madaxtooyadda ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug oo kulanka kadib la hadlay warbaahinta ayaa daboolka ka qaaday in saraakiisha Mareykanka ay balanqaadeen inay ka taageeri doonan maamulka la dagaalanka Shabaab.

Wuxuu intaas ku daray in leysla meel-dhigay in ciidamadda sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaan Danab ee hoos-taga Taliska Mareykanka ee Soomaaliya ay xarumo ciidan ka sameystaan degaanada Galmudug, gaara ahaan magaalada Dhuusamareeb.

Madaxa xukuumadda Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa gudaha garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb uu kulan gaar ah kula yeeshay saraakiil ka socotay Wasaaradda Gaashaandhiga Mareykanka, qaybta Qaaradda Afrika.

Kulanka oo ay goobjoog ahaayeen xubno ka tirsan Galmudug oo ay kamid yihiin Xilldhibaano waxaa diiradda lagu saarey arrimo ku saabsan amniga iyo sidii loo dar-dargelin lahaa howlgalada ka dhanka ah xoogaga Al-Shabaab ee degaanaddaas ku sugan.

Agaasimaha Madaxtooyadda ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug oo kulanka kadib la hadlay warbaahinta waxa uu daboolka ka qaaday in saraakiisha Mareykanka ay balanqaadeen inay ka taageeri doonan maamulka la dagaalanka Shabaab.

Wuxuu intaas ku daray in leysla meel-dhigay in ciidamadda sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaan Danab ee hoos-taga Taliska Mareykanka ee Soomaaliya ay xarumo ciidan ka sameysan doonan degaanada Galmudug, gaara ahaan Dhuusamareeb.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hogaamiye Al-Shabaab oo Mareykanka $5 million dul-dhigay madaxiisa oo lagu dilay Jilib 

Dowladda Federaalka ayaa mar kale adkaysay go’aankeeda ah inay sii waddo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    02-01-2026

  • 07:41AM

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka digay qorshaha Israel ka damacsan tahay Somaliland

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Muqdisho ay la xiriirtay bulshada caalamka, oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 12:41PM