Sarkaal aad loo doon-doonayey kana tirsanaa AlShabaab oo la dilay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliska Ciidanka Soomaaliya ayaa ka warbixiyey howlgallo laga sameeyay gobolada Shabeellaha Hoose iyo Gedo oo mid kamid ah lagu dilay sarkaal aad loo doon-doonayey oo AlShabaab ahaa.

Ugu horeyn, weerarka gobolka hoostaga Jubaland oo laga fuliyey Heel-caari iyo Tuulo Coloow ayaa waxaa la sheegay in milatariga ay kusoo furteen 5 qori, rasaas iyo aashiin. Tuulooyinka ayaa ku dhow Baardheere.

"Degaanadaasi waan xorreynay, waxaana haatan ku sugan Ciidanka Difaaca Qaranka oo aanan kasoo laaban doonin," ayuu yiri Korneyl Maxamed Aadan Cali, oo ka tirsan xoogaga dowladda.

Dhinaca kale, duulaanka ka dhacay gobolka hoostaga dowlad goboleedka Koonfur Galbeed oo lagu beegsaday degaanka Sablaale ayaa waxaa "lagu khaarijiyey" laba xubnood.

Dhaqdhaqaaqan oo ay qayb ka ahaayeen ciidamo ajaaniib ah ayaa la tibaaxay lagu dilay Cumar oo ah wiil uu dhalay Mahad Karatay, mid kamid ah horjoogeyaasha ugu awooda badan Al-Shabaab.

Saraakiisha Kumaandooska ayaa warbaahinta ku hadasha afka dowladda u sheegay in ragga la naf-gooyey uu ku jiro Maxamed Dhuubow oo ay Kenya horey madaxiisa u dul dhigtay lacag dhan laba milyan oo dollar.

Marka laga soo tago sheegashadda xoogaga dowladda federaalka Soomaaliya ma jiro illo madax banaan oo xaqiijinaya, walina kooxda gacansaarka la leh Al-Qaacida kama aysan hadlin macluumaadkan.

Dhowaan ayey ahayd markii ay soo baxeen warar sheegaya in howlgal laga sameeyay Awdheegle lagu dhaawacay afhayeenkii Al-Shabaab, Cali Dheere, kaasi oo ku jira bud-dhigeyaasha maleyshiyaadkaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Shacabka Oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Macdanta Soomaaliya

Qeybsiga iyo maamulka Khayraadka dalka ayaa ah mid wali aan heshiis lagu ahayn, oo dowladda iyo Maamulada Federaalka.

  • Soomaliya

    24-01-2026

  • 09:32AM

Weeraro ka dhici lahaa Muqdisho oo laga hortagay

NISA waxay sheegtay in dadka la xiray loo gudbin doono hay’adaha garsoorka si loo marsiiyo sharciga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    24-01-2026

  • 09:19AM