Sarkaal Boolis oo lagu khaarijiyey Muqdisho xili lagu raad-joogo "dilaaga"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Sarkaal ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah waxaa lagu dilay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

Cabduwahaab Aadan, madaxii dambi baarista saldhiga degmada Wabeeri ee gobolka Banaadir ayaa waxaa khaarijiyey askari kale oo ka tirsan isla ciidanka.

Falkaan ayaa abaare afarti barqinimo waxa uu ka dhacay isgoyska Dabka ee Muqdisho, sidda ay warsidaha Garowe Online u xaqiijiyeen saraakiisha.d

Ma cada sababta dhabta ah ee ka dambeysay falka lagu beegsaday Marxuumka oo goor dambe lagu aasey caasimadda kahor inta aan loo gudbin CID-da.

Illo wareedyo ayaa u sheegay GO in dilka Cabduwahaab uu imaanayo saacado kadib markii uu soo xiray saddex askari kale wallow aan la hubin hadii uu xiriir la leeyahay arrintaasi.

Saraakiisha oo wali xiran ayaa xabsiga loo dhigay sababo ku aadan in ay "si khaldan u adeegsadeen qoryo".

Askariga falka dilka ah geystay oo durba meesha ka baxsaday ayaa waxaa u gaarsanaya ciidamada, sida uu taliska bileysku shaaciyey, oo rajo wanaagsan muujiyey.

Saldhiga degmooyinka ku teedsan isgoyska Dabka ee kala ah Hodan, Howlwadaag, Waaberi iyo Xamarwayne ayaa la faray in ay heegan galaan ayna soo qabtaan "gacan ku dhiiglaha".

Dhanka kale, askar ka tirsan ciidamada dowlada ayaa isgoyska Tarbuunka ee Muqdisho waxay ku dirireen lacag baad ah oo ay ka qaadeen gaadiidka rayidka waxaana dhacdadaasi ku dhaawacmay shacab.

Dilalka iyo iska hor-imaadka ciidamada Soomaaliya ee dhexdooda ah oo mudooyinkii dambe soo badanayay ayaa waxaa dhif ah in xubno xukun maxkamadeed lagu rido.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM