Sarkaal ciidan oo ku nafwaayey qarax ka dhacay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Sarkaal ka tirsanaa ciidamadda Soomaaliya ayaa lagu waramay in uu ku naf-waayey qarax miino oo Khamiista maanta ah ka dhacay magaalada Muqdisho.

Weerarkaas ayaa, sidda ay xaqiijiyeen mas'uuliyiin dhanka nabad-gelyadda ah, wuxuu si gaar ah uga dhacay laamiga cusub ee degmadda Dayniile si gaar ah agagaarka Ceel Ifis.

Sidda ay muujinayaan warbixinada laga helayo saraakiil dhanka ammaanka ah oo la hadlay Garowe Online, sarkaalka ku geeriyooday qaraxaas ayaa lagu magacaabi jiray Cali Bariis.

"Marxuumka waxaa goobta looga qaadey dhaawac ahaan. Balse, waxaa la sheegay in uu u dhintay dhaawacaas markii la dhigay xarumaha caafimaadka," ayuu hadalkiisa ku daray.

Ma jirto koox illaa haatan dusha saaratay mas'uuliyadda falkaas. Balse, waxaa dhacdooyinka noocaan ah looga bartay in ay geystaan maleyshiyadda hubeysan ee Al-Shabaab.

Laamaha ammaanka Soomaaliya oo xaqiijiyey dhacdadaas ayaa waxa aysan wali wax war ah kasoo saarin qaraxa iyo baaritaano ay ka sameeyeen goobta ay wax ka dhaceen.

Qaraxaan ayaa kusoo hagaagay iyaddoo isla maanta Muqdisho uu ka dhacay weerar madaafiic oo lala beegsaday xerada Xalane, wallow tirro kamid ah madaafiic ku habsadeen guri dad rayid ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM