Sarkaal ciidan oo Muqdisho lagu dilay iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dilka sarkaalkaan ka tirsanaa Hay’adda Dambi-baarista Soomaaliya ee CID-da ayaa waxuu ka dhacay shalay Degmada Waaberi ee gobolka Banaadir, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha amaanka.

Marxuumka la dilay, oo lagu magacaabayay Maxamed Cabdi Cilmi, ayaa ahaa Gaashanle sare, waxaana dilkiisa ka dambeeyeen sida la sheegay rag ku hubeysan Bastooladdo oo goobta isaga baxsaday falka khaarijinta kadib.

Goobjooge ayaa sheegay in ciidamada amaanka ee Soomaaliya ay goobta gaareen dilka kadib, iyagoo fuliyay howlgal lagu raadinayo dableydii falka ka dambeysay

Cismaan Maxamed, oo kamid ah masuuliyiinta Degmada Waaberi ee dhinaca amniga iyo arrimaha Bulshadda ayaa uxaqiijiyay Warsidaha Garowe Online in howlgaladda ay kusoo qab-qabteen 40 qof oo lagu tuhmayo dilka.

Wuxuu sheegay in dadka ay soo xir-xireen marsiin doonan baaritaano, kadibna ay lasii dayn doono shaqsiyaadka lagu waayo dembi, halka kuwa lagu helana uu sheegay in lahor geyn doono Maxkamadda.

Maalmihii u dambeeyay amaanka Magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa ahaa mid faraha kasoo baxaya, waxaana ka dhacayay Falal liddi ku ah Nabad-gelyadda, kaasoo ay fulinayeen kooxo hubeysan, oo katirsan Al-Shabaab.

Kooxda Al-Shabaab ayaa inta badan falalka noocaan ah ka geysta Muqdisho, kuwaasoo beegsaday Askarta dowladda, Nabadoonada, shaqsiyaadka caanka iyo waliba xubnaha aadka ugu dhow shaqaalaha dowladda.

Dilkaan ayaa imaanaya xili isbedal lagu sameeyay amaanka Muqdisho oo loo gacan-geliyay Booliska xili la kala diray Hay’adda Nabadda Sugida, taasoo ka dambeysay markii uu khilaaf hareeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Cambaareysay Weerarrada Iran kusii wado Dalal Khaliijka Carabta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay taageersan tahay dhammaan dadaallada nabadeed ee lagu xallinayo khilaafaadka gobolka.

  • Soomaliya

    05-03-2026

  • 08:15PM

Laba Wasiir oo ka tirsan Dowladda Federaalka oo is casilay kadib ansixinta dastuurka cusub

“Shacabka Puntland ayaa kursigan ii igmaday,” ayuu yiri. “Ma ka mid noqon karo waxyeello gaarsiinaya iyaga iyo dowladdooda.”

  • Soomaliya

    05-03-2026

  • 05:33AM