Sarkaal ciidan oo toogasho lagu dilay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Sarkaal katirsanaa Ciidamada Booliska Soomaaliya, ayaa lagu dilay saaka oo Axad ah gudaha magaalada Muqdisho, xilli ay socdeen isbedello lagu sameynayo hay'adaha amniga kadib markii fashil dhanka amniga ah uu yimid.

Goobjooge la hadlay Warsidaha Garowe Online ayaa sheegay in Sarkaalkan oo magaciisa lagu soo koobay Maalin lagu dilay Suuqa weyn ee Bakaaraha, gaar ahaan qeybta Khudaarta xilli hore oo saaka ah.

Labo dhalinyaro ah oo bastoolado ku hubaysan ayaa toogasho ku dilay Maalin, oo darajadiisu ahayd labo xidigle katirsan Booliska Soomaaliya, isagoo ka howlgalayay saldhigga degmada Hodon ee gobolka Banaadir.

Dableyda ayaa goobta ka baxsatay kahor inta aysan soo gaarin ciidamada amaanka dowladda, oo meesha howlgal aan cidna lagu soo qaban ka sameeyay. Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda falkan khaarijinata ah, balse Al-Shabaab ayaa la tuhmayaa.

Dilkan ayaa waxa uu kusoo beegmayaa iyadoo Isbedal lagu sameeyay amniga Muqdisho, oo dhawaan lagu wareejiyay Ciidamada Booliska sidoo kalena la isku bedelay Taliye-yaasha Booliska, Nabad Sugida iyo Taraafikada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM