Sarkaal ciidan oo toogasho lagu dilay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Sarkaal katirsanaa Ciidamada Booliska Soomaaliya, ayaa lagu dilay saaka oo Axad ah gudaha magaalada Muqdisho, xilli ay socdeen isbedello lagu sameynayo hay'adaha amniga kadib markii fashil dhanka amniga ah uu yimid.

Goobjooge la hadlay Warsidaha Garowe Online ayaa sheegay in Sarkaalkan oo magaciisa lagu soo koobay Maalin lagu dilay Suuqa weyn ee Bakaaraha, gaar ahaan qeybta Khudaarta xilli hore oo saaka ah.

Labo dhalinyaro ah oo bastoolado ku hubaysan ayaa toogasho ku dilay Maalin, oo darajadiisu ahayd labo xidigle katirsan Booliska Soomaaliya, isagoo ka howlgalayay saldhigga degmada Hodon ee gobolka Banaadir.

Dableyda ayaa goobta ka baxsatay kahor inta aysan soo gaarin ciidamada amaanka dowladda, oo meesha howlgal aan cidna lagu soo qaban ka sameeyay. Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda falkan khaarijinata ah, balse Al-Shabaab ayaa la tuhmayaa.

Dilkan ayaa waxa uu kusoo beegmayaa iyadoo Isbedal lagu sameeyay amniga Muqdisho, oo dhawaan lagu wareejiyay Ciidamada Booliska sidoo kalena la isku bedelay Taliye-yaasha Booliska, Nabad Sugida iyo Taraafikada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo Turkiga ku Eedeysay Faragelin

Madaxda Somaliland ayaa u arka tallaabooyinkan inay qayb ka yihiin dadaallo lagu daciifinayo maamulka.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 12:20PM

Dowladda Soomaaliya oo Abaabul Dagaal Ka Wada Shabeellaha Dhexe

Ololahan cusub ayaa qayb ka ah ballanqaadkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa inuu qaado.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 11:31AM