Sarkaal dusiyey xogo khuseeya Soomaaliya oo la xukumay

Image
Daniel Everette Hale, oo 33 jir ah, ayaa dukumiintiyada la wadaagay majalada 'The Intercept': [Photo: Online]

WASHINGTON, USA - Falanqeeye hore oo sirdoon ah ayaa Talaadadii lagu xukumay 45 bilood oo xabsi ah kadib markii uu dusiyey sirta weeraradda diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee militariga Mareykanka kuwaasoo saldhig u ahaa fadeexad xoog leh oo dhacdey sanadkii 2015-kii.

Daniel Everette Hale, oo 33 jir ah, ayaa sarkaal dhanka mukhaabaraadka wuxuu u ahaa ciidamadda cirka Mareykanka isaga o ka caawinayey bartilmaameedka weerarada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Afqaanistaan ​​2011-2012 halkaasoo uu tibaaxay in uu kasoo qaatay waaya-aragnimo "cabsi badan ku abuurtey".

Markii uu ka tagay shaqada militariga, sanadkii 2014 wuxuu ku shaqeynayay qandaraasle difaaca muddo sideed bilood ah taasoo u saamaxday inuu helo dukumiintiyo qarsoodi ah oo sare kuwaasoo faahfaahinaya dilalka qarsoodiga ah ee dowladda Mareykanka ay ka geysato Yemen, Afghanistan, iyo Soomaaliya.

Dukumiintiyada ayuu la wadaagay wargayska The Intercept News, taasoo u adeegsatay taxane sideed qaybood ah oo gilgilay maamulka madaxweyne Barack Obama, taasoo keentay su'aalo balaaran oo ku saabsan kororka weerarada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo dilka dadka aan waxba galabsan ee aan dagaalka ku jirin. Xukunka ayaa aad uga hooseeyay xukunkii 50 sano ee Hale uu wajahayey.

Kiiska ayaa waxaa dib u dhigey arrimo macluumaad qarsoodi ah iyo fiditaanka Covid-19. Wuxuu qiraal ka sameeyay hal dacwad oo ah "haynta iyo gudbinta macluumaadka difaaca qaranka".

Isaga oo cuskanaya "xaalado caafimaad xumo maskaxeed oo salka ku haya in uu nolol adag kusoo koray caruurnimadiisa adag," Hale ayaa wuxuu codsaday xukun ah 12-18 bilood.

Qareenadiisa ayaa kula doodey xeer-beegtada in Hale uusan u dusin dukumiintiyadda si uu ugu waxyeeleeyo Mareykanka "balse ay tahay dambi damiir bini'aadanimo".

"Wuxuu doonayay in uu yareeyo dambigiisa oo uu u wargaliyo muwaadiniinta kale asaga oo rajeynaya in America ay ka dhabeyso himiladeeda," ayay sheegeen qareenadda oo war-saxaafadeed soo saarey.

Dowladu waxay ka codsatay maxkamada inay ku xukunto inta udhaxeysa sagaal ilaa 11 sano oo xarig ah, iyadoo sheegtay in gacanta lagu dhigay qandaraaslaha difaaca sanadkii 2014 "isagoo ujeedkiisu ahaa xatooyada iyo bixinta dukumiintiyada, iyo inuu dhibaato weyn ugaystay amniga qaranka Mareykanka".

Kiiskan ayaa ka mid ahaa dhowr dacwadood oo ay dawladda Mareykanka u soo oogtay dad si qarsoodi ah dukumiintiyo ugu dusiyey wargeyska 'The Intercept' kaas oo sumcaddiisa ku dhisey arrimo la xiriira amniga qaranka.

Xagaagii 2018, shaqaale qandaraasle Hay'adda Amniga Qaranka Reality Winner waxaa lagu xukumay shan sano iyo seddex bilood xabsi federaal ah sababo ku aadan in uu dukumiinti u dusiyey The Intercep.

Xogtaas waxay khuseysay dadaalka Ruushka ee jabsiga nidaamyada codbixinta Mareykanka ee sanadkii 2016. Winner waxaa laga sii daayay xabsiga "dhaqankiisa wanaagsan awgeed bishii Juun 2021".

Sidoo kale sanadkii 2018, wakiilkii hore ee FBI Terry Albury waxaa lagu xukumay afar sano oo xarig ah kadib markii uu dukumiinti uu siiyey majaladda The Intercept oo ku saabsan sida FBI-du u keydiso xogaha iyo la socoshada tuhmanayaasha, oo ay ku jirto adeegsiga midab-kala-sooca.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo duqeymo ka fuliyay agagaarka degmada Bulo Burte

Dowladda Soomaaliya ma aysan sheegin tirada xubnaha Al-Shabaab ee lagu dilay duqeymahaas uu fuliyay Mareykanka.

  • Soomaliya

    22-02-2025

  • 07:53AM

Axmed Madoobe oo eedeyn culus u jeediyay dowladda Soomaaliya

Dowladda Xasan Sheekh ayaa sidoo kale dagaal kula jirta Puntland oo ah hooyada Federaalka dalka oo soo jirtay tan iyo 1998.

  • Soomaliya

    20-02-2025

  • 11:37AM