Sarkaal ka tirsanaa xafiiska R. Wasaaraha oo Muqdisho lagu diley

Image

June 21, 2015 (GO)- Hawl-wadeen ka tirsanaa xafiiska Ra'isal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saaka magaalada Muqdisho lagu diley.

Ninkaas oo lagu magacaabi jirey Anwar Xaaji Dayib waxaa agagaarka xaafadda Mac-Macaanka ku toogtey labo nin oo bistoolado ku hubeysnaa, kuwaasoo durbadiiba goobta ka baxsaday.

Lama aqoonsan haybta kuwa dilka geystey, mana jirto ilaa iyo hadda cid sheegatay mas'uuliyaddiisa.

Waa qofkii ugu horreeyey ee ka tirsan shaqaalaha Dowladda Federaalka ee intii lagu guda jirey bisha barakeysan ee Ramadaan magaalada Muqdisho lagu dilo.

Al-shabaab ayaa sanad walba marka lasoo gaaro xilligan oo kale, waxay kordhisaa weerarrada ay ku qaadeyso xarumaha dowladda iyo dilalka qorsheysan ee lala begsado mas'uuliyiinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo Ku Hanjabay Doorasho Haddii Xasan Sheekh Fulin Waayo Baaqooda

War-saxaafadeedku wuxuu xusay in muddada Golaha Shacabka dhamaato 14 April 2026, halka muddada Madaxweynaha ay dhacdo 15 May 2026.

  • Soomaliya

    21-12-2025

  • 11:16AM

War-murtiyeedkii Kismaayo oo diiday wax muddo-kororsi ah, digniina u direy Xasan Shiikh

War-murtiyeedka shirka ayaa si weyn u dhaliilay hoggaanka Dowladda Federaalka, isagoo …

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 06:23PM