Sarkaal ka tirsan CIA-da Mareykanka oo lagu dilay gudaha Soomaaliya

Image

WASHINGTON, US – Sarkaal ka tirsan CIA-da Mareykanka ayaa todobaadkii hore waxaa lagu dilay Soomaaliya, sidda ay ku warantay warbaahinta Mareykanka. Sarkaalka waxaa la sheegay u geeriyooday dhaawac kasoo gaarey howlgal.

Sidda ay warisay CNN, sarkaalkan aan magaciisa lasoo bandhigin wuxuu sidoo kale kasoo mid ahaa Ciidamadda Badda Mareykanka [Navy SEAL].

Lama ogga magaaladda uu ka dhacay weerarka lagu khaarijiyey sarkaalka iyo qaabka uu u dhacay. Laamaha ammaanka Soomaaliya wali kama warbixin dhacdadaas.

Dhimashaddan ayaa imaaneysa xilli maamulka Donald Trump uu ku fekerayo in uu Soomaaliya ka saarayo 600 askari ee Mareykanka ka joogta waddanka.

Ciidamadda Sidda Gaarka ah u tababaran ee Mareykanka ayaa dhigooda Soomaaliya waxay ka caawiyaan la dagaalanka Al-Shabaab iyo tababarada.

Hay'adda Sirdoonka Dibada Mareykanka ee magaceeda loo yaqaano CIA ayaa ka gaabsatay in ay ka hadasho dhacdadan. Balse wargeyska New York Times wuxuuu noqdey isha koowaad ee laga soo wada xigto geerida sarkaalka.

Bishii September CIA waxay xustey in saraakiisha kaga dhimata howlgaladda waxay qeyb ka noqon doonan xusuusaha hay'addu leedahay.

Iyaddoo lataliyeyaasha milatariga Mareykanka ee jooga Soomaaliya ay doonayaa in ciidamada Soomaaliya ay hogaamiyaan howlgaladda, haddana askarta Ameerikaanka dhankooda waxay qeyb ka yihiin dagaaladda.

Bishii September, askari Ameerikaan ah ayaa ku dhaawacmay markii Al-Shabaab ay weerar ku ekeysay ciidamada Mareykanka iyo Soomaaliya.

Mareykanka ayaa tan iyo sanadka 2013-kii wuxuu xoojiyey dedaaladiisa dhanka milatariga ee Soomaaliya uu ka fuliyo waxaana maamulka Trump uu wixii ka dambeeyay 2017-kii amray duqeymo lagu kaabayo kumaandooska Danab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku baaqay kulan Gollaha Mustaqbalka

Madaxtooyadu waxay sheegtay in ajendaha kulanka uu ku saleysan yahay dardargelinta geeddi-socodka dowlad-dhiska.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 08:07PM

Markab Shidaal oo laga Afduubtay Xeebaha Yemen, loona leexiyay dhanka Soomaaliya

Ilaa iyo hadda lama shaacin cidda ka dambeysa afduubka, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo arrintan la xiriira.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 02:20PM