Sarkaal ka tirsan CID-da oo Muqdisho kaga badbaaday isku day dil

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Fahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax culus oo fiidnimadii caawa oo Talaado ah ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ka dhashay gaari Miino lagu soo rakibay ayaa lasoo wariyay nawaaxiga xarunta dambi baarista oo ku dhow isgoyska Soobe.

Illo wareedyo ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in gaariga qarxay uu watay sarkaal ka tirsan hay’adda CID-da.

Sarkaalka oo magacaabo Daahir Xasan Xuseen ayaa lagu waramayaa in uu dhaawac culus kasoo gaarey qaybaha hoose.

Goobjoogayaal ayaa ku waramaya in Daahir loola cararay goobaha caafimaadka si loo badbaadiyo nolashiisa.

Daahir ayaa sidoo kale horey u soo noqday wasiirka howlaha guud ee Galmudug iyo gudoomiyaha degmada Dayniile ee Muqdisho, waqtigii Sheekh Shariif Axmed.

Illaa iyo haatan ma jirto koox dusha saaratay mas'uuliyadda weerarkaasi, balse xoogaga Al-Shabaab ayaa looga bartay ficilada noocaan ah.

Horaantii isbuucaan ayay ahayd sarkaal kale oo ka tirsan CID-da uu ka badbaaday qarax gaarigiisa loogu xiray.

Laamaha amaanka wali kama hadlin dhacdooyinkaasi oo qayb ka ah falalka lidiga ku ah nabad-gelyada ee ka dhacaya caasimada Soomaaliya.

Amniga ayaa safka hore kaga jira waxyaabaha ay xukuumada Khayre ku fashilantay in ay wax ka qabato, iyada oo ciidamada ay ka cabanayaan mushaar la'aan inkasta oo uu ra'iisul wasaaruhu meesha ka saaray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM