Sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu dilay Shabeellaha Hoose

Image

WANLWEYN, Koonfur Galbeed - Sida ay xaqiijiyeen mas'uuliyiinta, waxaa degaanka Yaaq-bariwayne ee gobolka Shabellaha Hoose lagu dilay sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab.

Hogaamiyahan oo magaciisa lagu soo koobay Gar Gaduud ayaa la khaarijiyay xili uu khudbad ugu jeedinayay tuuladaasi qaar kamid ah dadka degaanka.

Lama ogga waxay sababay dilka Gar Gaduud, balse fahfaahino is-khilaafsan ayaa kasoo baxaya falkan.

"Sababta ugu wayn ee loo dilay waxay tahay dadka ayuu dhibi jiray oo lacago baad ah ayuu waydiin jiray," ayuu yiri qof magaciisa u khariyay sababo amni.

Meydka sarkaalkaan ayaa lasoo dhigay aargadda degmada Wanlawayne ee isla gobolkaasi, halkaasoo kolkii dambe laga qaaday.

Afhayeenka maamulka Koonfur Galbeed, Nuuradiin Gacma, oo la hadlay warsidaha Garowe Online, wuxuu soo dhaweeyay dilka xubintan katirsanayd Al-Shabaab.

"Waa calaamad muujineysa in shacabka u soo jeesteen in ay iska dhiciyaan kuwa u diidan nolasha wanaagsan," ayuu Nuuradiin ku daray hadalkiisa.

Xildhibaan Daahir Aamiin Jeesow, oo si lamid ah uga l-celiyay arrintaan ayaa ku booriyay shacabka in ay qaadaan talaabooyinka noocaan ah ee laga isaga celinayo Al-Shabaab.

Wali ma jiro wax war ah oo ku saabsan dhacdadaan oo ah mid naadir ah oo kasoo baxay dhinaca xoogaga cilaaqaadka la leh Urur-waynaha Al-Qaacidda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duulimaadyadii ugu horreeyay ee xujeyda Soomaaliyeed oo gaaray dalka Sucuudiga

Maamulka garoonka Maddiina ayaa sheegay in habraacyada gelitaanka xujeyda Soomaaliyeed loo fuliyay si hufan.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 11:20AM

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM