Sarkaal ka tirsanaa ilaalada Villa Soomaaliya oo meydkiisa la helay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Meydka sarkaal ka tirsanaa ilaalada gaarka Madaxtooyada Soomaaliya ayaa la sheegay in laga helay qol kamid ah huteel ku yaala agagaarka Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Sarkaalkan magaciisa uu taliska booliska ku sheegay Shariif Maxamuu Cali ayaa laga dhex-helay Ridwaan Huteel kaasoo ku yaala isgoyska Ceel-gaabta ee degmada Xamar-jajab ee gobolka Banaadir.

Illo wareedyo ayaa xaqiijiyey in bileyska oo bilaabay baaris ku saabsan dhimashadan uu soo xirey maamulaha huteelka kaasoo loo diray xarunta CID-da si loogu sameeyo baaris badan.

Warbixino aan la xaqiijin ayaa tilmaamaya in sarkaalka uu huteelka kula kulmay haweenay; hase ahaatee, ma cadda qofka ay ahayd iyo hadii ay kamid tahay dadka loosoo qab-qabtay falka.

Aqalka looga arimiyo waddanka oo aan war rasmi ah kasoo saarin dhacdadan ayaa ku gaabsaday in baaritaano socdaan. Shariif waxaa la wariye in uu ahaa darawalka mid kamid ah saraakiisha Villa Soomaaliya.

"Fahfaahinta oo dhameystiran waxaa lasoo saari doonaa marka baaritaanka uu dhameystirmo," ayaa lagu yiri qoraal kooban oo taliska bileyska kasoo saarin dhacdadaan hadalheynta dhalisay.

Dhacdooyinka liddiga ku ah nabad-gelyadda ayaa kusoo badanaya caasimadda xilli muddo xileedka dowladda uu gabaabsi yahay; falalkaan qaarkood waxaa dusha saartey mas'uuliyadooda ururka Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM