Sarkaal kasoo goostey Al-Shabaab oo lasoo bandhigay

Image
Image
Image
Maxamed Nur Maxamed Xuseen ayaa isku dhiibay ciidamadda dowladda ee ku sugan gobolka Baay ee Koonfur Galbeed.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa Khamiista maanta ah waxay shaaca ka dhigtey in uu isku soo dhiibay horjooge sarre oo ka tirsanaa maleyshiyaadka ururka Al-Shabaab.

Warbaahinta ku hadasha afka dowladda oo faafisay magaca iyo sawirka sarkaalka ayaa ku warantey in uu ahaa "Madax Sakawaatka Nabadiidka gacansaarka la leh Al-Qaacida".

Sida laga soo xigtey warbixinta, Maxamed Nur Maxamed Xuseen ayaa isku dhiibay ciidamadda dowladda ee ku sugan gobolka Baay gaar ahaan degaanka Deynuuney.

"Madax Sakawaatka Nabadiidka Alshahab ee Deeganka Dadaarow ee  Gobolka Baay ayaa  isku soo dhiibey Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed Qeybta 60aad," ayuu yiri telefishinka.

Wuxuu ku daray: "Maxamed Nur Maxamed Xuseen oo Magaciisa Afgarashada Nabadiidka Alshabab uu yahay  (Guudow) oo Mudo 7-sano ah Nabadiidka Alshabab u qaabilsanaa Uruurista Sakawaat Beenaatka ayaa Isku soo dhiibey Ciidanka  Xoogga Dalka Soomaaliyeed Qeybta 60aad ee fadhigoodi uu Yahay Deeganka Deynuuney ee gobolka Baay".

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay xoogaga gacansaarka la leh oo ku saabsan sheegashada dowladda. Al-Shabaab ayaa inta badan waxay wararka ku faafisaa mareegyo ay ku leedahay internet-ka.

Gobolka Baay oo hoostaga maamul goboleedka Koonfur Galbeed ayaa kamid ah goobaha ay dalka kaga xoogan tahay kooxda Al-Shabaab waxaana la aaminsan yahay in ay u joogaan hogaamiyeyaal badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ku adkeystay hirgelinta doorashada lagu muransan yahay ee qof iyo codka ah

Si kastaba, inta badan odayaashii dhaqanka ee ka qeyb galay kulanka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu dib u eego mowqifkiisa.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 01:16PM

Maxay tahay sababta dib loogu dhigay Doorashada Koonfur Galbeed?

Sida ku cad bayaanka rasmiga ah ee ka soo baxay guddiga, maalinta cod-bixinta ee guud ahaan Koonfur Galbeed ayaa loo weeciyay 10-ka May, 2026.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 12:40PM