Sarkaal kasoo shaqeeyay oo taliye bileys looga magacaabay Mareykanka

Image

WASHINGTON, US – Duqa degmada Edmonds ee waddanka Mareykanka, Mike Nelson ayaa Sherman Pruit wuxuu u magacaabay Taliyaha cusub ee Booliska degmadaas isagoo bedelaya Jim Lawless oo sii-haaye ka ahaa.

Lawless oo shaqada booliska ku dhex-jiray tan iyo 1995-kii ayaa caawiye-taliyaha booliska Edmonds wuxuu ahaa laga soo bilaabo sanadkii 2008.

Golaha degaanka Edmonds ayaa la filayaa in ay cod u qaadaan magacaabida Pruitt. Ma cadda in ay aqbalayaan ama ay kasoo horjeesan doonan.

Pruitt oo ka tirsanaa ciidamadda badda Mareykanka ayaa kasoo howlgalay Soomaaliya iyo Ciraaq halkaasoo dagaalo uu kaga qeybgalay. Kahor inta uusan bileyska kusoo biirin, ciidanka ilaalada qaranka ayuu kamid ahaa.

Isagoo ka hadlayey magacaabida, Pruitt ayaa muujiyey farxad balaaran wuxuuna rajeeyay in uu ku guuleysan doonan mudadda uu xilka ku fadhiyo.

"Waxaan aad ugu faraxsanahay in aan taliye boolis ka noqdo halkii aan xirfadan ka bilaabay. Waxaan u mahadcelinayaan duqa oo ii gartay in aan mudanahay waajibaadkan aan filayo in aan kasoo dhalaalo," ayuu tibaaxay.

Nelson oo dhankiisa la dardaarmay taliyaha cusub ayaa ku booriyey cadaalad, in uusan u kala eexan dadweynaha iyo in uu la xisaabtamo dadweynaha.

"Waxaan isbedel uu ku socdaa ciidamadeena booliska. Arrimo badan oo muhiim u ah qarankeena ayaa jira; cadaalad, sinaanta bulshadda iyo isla-xisaabtanka, si dadweynaha u shaqeeyaan, booliska waa in uu nodaa mid dhex-dhexaad ah," ayuu ku yiri war-saxaafadeed uu soo saarey duqa degmadda.

Ciidamadda booliska Mareykanka ayaa sanadihii ugu dambeeyay wajahayey eedeymo ku aadan in ay ku xadgudbaan dadka aan cadaanka ahayn gaar ahaan madowga iyaddoo kiisaska noocaas ah ay xoogeysteen sanadkan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM