Sarkaal katirsan maamulka gobolka Banaadir oo lagu dilay Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Kooxo hubaysan ayaa saaka barqadii ku dilay magaalada Muqdishu, Sarkaal katirsanaa maamulka gobolka Banaadir, oo lagu magacaabi jiray Cabdulle Maxamuud Cali. 

Dilka Sarkaalkan oo ay geysteen Rag bastoolado ku hubaysan, ayaa ka dhacay Isgoyska Sanca, ee degmada Kaaraan.

Labo dhalinyaro ah ayaa ku toogtey Cabdulle xilli uu ku sugnaa Makhaayad ku yaalla Isgoyska Sanca, kadibna goobta ayay ka baxsadeen, sida ay Goobjoogiyaal u xaqiijiyeen Warqabadka Warsidaha Garowe Online ee Muqdishu.

Allah ha u naxariistee Marxuum Cabdulle wuxuu ahaa Gudoomiye waaxeed katirsan maamulka degmada Kaaraan, mana wadan wax Ilaalo ah xilliga la dilayay. Ciidamada Booliska degmada ayaa goobta gaarey durbadiiba, oo sameeyay Howlgal aan cidna lagu soo qaban.

Ma jirto cid sheegatay Mas'uuliyadda dilka Mas'uulkan, balse kooxda Al shabaab ayaa inta badan ka fulisa Muqdishu iyo magaalooyinka kale ee dalka dilalka beegsiga ah, ee loo geysanayo Shaqaalaha dowladda, Askarta iyo dadka kale oo bulshada muhiimka u ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM