Sarkaal katirsan NISA iyo Askar lagu dilay Israsaaseyn ka dhacday Muqdishu

Image
Image

MUQDISHU, Somalia - Ugu yaraan Lix Askari oo katirsan Ciidamada dowladda Federaalka Somalia, ayaa ku geeriyootay, qaar kalena way ku dhaaacmeen Iska horimaad  ka dhacay magaalada Muqdishu, ee Caasumadda Somalia.

Israsaaseynta oo u dhaxaysay ciidamada  Militariga iyo Nabad Sugida ayaa ka dhacday agagaarka dhismaha Tiyaatarka qaranka ee magaalada Muqdishu, oo kaabiga ku haya xarunta Madaxtooyada Villa Somalia.

Dagaalka ayaa yimid markii ciidamada Militariga ee ku sugan Barta Koontarool ee ku taalla nawaaxiga Tiyaatarka ay rasaas ku fureen Gaari uu la socdey Taliye Ku xigeenkii hore ee Nabad Sugida gobolka Banaadir Ciise Xasan Caraale (Jiijiile).

Ciidamada galibinayey  Sarkaalka,  ayaa ku jawaabey rasaas kale, taasi oo ka dhalatay dagaal fool-ka-fool ah, oo mudo daqiiqado ah socda, kaasi oo hakad geliyay Isku socodka Gaadiidka iyo dadweynaha Wadada hormarta Madaxtooyada.

Capt Maxamed Xuseen, oo ah Sarkaal katirsan Booliska Somalia ayaa xaqiijiyay in in Jiijiile iyo saddex kamid ahaa Ilaaladiisa ay ku dhinteen Israsaaseynta, sidoo kalena dhanka Militariga laga dilay labo Askari, iyadoo qaar kalena ay ka dhaawacmeen.

Goob joogayaasha ayaa u sheegay Warsidaha Garowe Online in askarta miltariga ay rasaasta ku fureen gaariga uu saarnaa Jiijiile, kadib markii ay ka shakiyeen maadaama uu ka dhega-adeegay amar la siiyay oo ahaa inuu istaago. 

Wararka qaar ayaa sheegaya in Is rasaaseynta ay la xiriirto aargoosi, kadib markii iska horimaad hore oo ka dhacay Koontarool ku yaalla degmada Xamarweyne, gaar ahaan Ceelgaabta, halkaasi oo ay Ciidamada NISA ku dileen askari ka mid ahaa Militariga.

Wasiirka Gaashaandhiga dowladda Federalka Somalia Cabdirashiid Cabdulaahi Maxamed oo la hadlay VOA, ayaa sheegay in isku-dhaca Ciidamada uu ahaa shil dhacay, islamarkaana ay Gudi u xilsaareen inay soo baaraan sababta keentay iyo cida qaladka iska leh.

Si kastaba, dhacdadan ayaa waxay daba socotaa isku-dhacyo dhowr ah Muqdishu ku dhexmarayey mudooyinkan dambe Ciidamada Howlgalka Xasilinta iyo kuwa kale ee katirsan dowladda, oo inta badan aan u hogaansamin amarada la siiyo markii ay wadooyinka marayaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM

Xamza oo la kulmay wakiilka Ururka Jaamacadda Carabta kadib eedeyntii Itoobiya

Dowladda Soomaaliya ayaa difaacday heshiiska ciidamada Masar, iyagoo sheegay in uu yahay mid loogu talagalay dib u dhiska ciidanka.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 07:28AM