Sarkaal katirsanaa ciidamada Ethiopia oo isku-dilay Garbahaarey

Image

GARBAHAAREY, Somalia - Sarkaal katirsanaa ciidamada Ethiopia ayaa lagu soo waramayaa inuu isku-daldalay saldhig military oo ku yaalla magaalada Garba-haarey, ee xarunta gobolka Gedo.

Cusmaan Nuur Xaaji, oo ah ku xigeenka Gudoomiyaha gobolka Gedo ayaa xaqiijiyay Is-daldalaadda Sarkaalkan.

Wuxuu sheegay Cusmaan in sababta uu isku dilay Sarkaalkan oo magaciisa la shaacin inay ka dambaysay markii loo diiday inuu helo fasax uu dalkiisa ugu laabto, si qoyskiisa iyo caruurtiida usoo booqdo.

"Waxaa kuu xaqiijin karaa in Sarkaal katirsanaa ciidamada Ethiopia uu xalay isku dilay gudaha saldhigiisa magaalada Garbahaarey, waxaana sababta naloogu sheegay in Saraakiisha ka sareysa u diideen Fasax," ayuu yiri Cusmaan Nuur Xaaji.

Saraakiisha ciidamada Ethiopia ee gobolka Gedo wali wax fahfaahin ah kama aysan bixin Sarkaalka is-dilay, iyo sababta uu nafta isku-dhaafiyay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM