​Sarkaal katirsanaa Militariga Somalia oo lagu dilay Ceel-waaq

Image

MUQDISHU, Somalia- Wararka ka imaanaya magaalada Ceel-waaq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaas koox hubaysan ku dileen sarkaal katirsan ciidanka xoogga dalka Somalia.

Dilkan ayaa la sheegay inay loo gaystay ALLAHA u nxariistee Marxuum Cabdirashiid Barre Gurxan oo kamid ahaa taliska ciidanka dowladda ee gobolka Gedo.

Dilka ayaa lagusoo waramayaa inuu ka duwanaa kuwii horay uga dhici jiray gobolka iyadoo goob joogayaashu sheegeen in mallayshiyadu gudaha u gashay guriga Marxuum Gurxan islamarkaana toogteen isagoo la jooga qoyskiisa.

Dablayda ayaa goobta ka baxsatay iyagoo ilaa hadda war laga hayn halka ay jaan iyo cirib dhigeen.

Majirto wax war ah oo ilaa hadda kasoo baxay taliska ciidanka dowladda ee gobolka Gedo.

Sarkaalkan la dilay ayaa la sheegay inuu ahaa Taliyaha ugu sareeya Ciidamada dowladda ee degmada Ceel Waaq, oo ku taalla xadka ay wadaagaan Somalia iyo Kenya.

Sidoo kale waxaa la is-weydiinayaa qaabka kooxdan ugu suuro gashay inay gudaha u galaan guriga Sarkaalkaas.

Al shabaab ayaa sheegatay  mas’uuliyada dilka Gurxan.

Degmada Ceel Waaq, oo marin muhiim u ah Ciidamada Kenya ee isaga kala goosha xuduuda, ayaa waxaa laga saarey Kooxda Al shabaab sanadkii 2011, balse waxay wali ka wadaan weeraro iyo dilal.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM