Sarkaal katirsanaa Xukuumadda Somalia oo Muqdisho lagu dilay

Image

MUQDISHO, Somalia - Koox hubeysan ayaa Muqdisho ku dishay nin la sheegay in uu ka mid ahaa shaqaallaha Wasaaradda Arrimaha gudaha ee xukuumadda Somalia.

Mas’uulka la dilay oo lagu Magacaabi jiray Cabdi Maxamed Cosoble(Cabdi Madoobe), ayaa waxaa labo nin oo hubeysan ay ku toogteen xilli uu ka baxayay hooygiisa oo ku yaalla Xaafadda Albaraka ee degmada Hodon, kuna sii jeeday goobtiisa shaqo.

Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka sameeyeen howlgal aan cidna lagu soo qaban, iyadoo ay baxsadeen gacan-ku-dhiigliyaasha.

Kooxda Al-Shabaab ayaa durba sheegatay mas'uuliyadda dilka sarkaalkan katirsanaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Somalia, waxaana dilkan uu qeyb ka noqonayaa dilal qorsheysan oo caasimadda ka dhacaya.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM