Sarkaal Mareykanka ah oo ku dhintay Howlgal ka dhacay Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Al-Shabaab ayaa guul ka sheegatay dagaal qaraar oo xalay kula gashay gobolka Shabeellaha Hoose ciidamo Mareykanka ah, oo ay kaabayaan kuwa Soomali ah.

War kasoo baxay Kooxdan xiriirka la leh Al-Qaacidda ayaa lagu sheegay in hal Sarkaal oo ciidamada Mareykanka katirsana uu ku dhintay dagaalka, sidoo kalena lagu dhaawacay labo Askari oo kale.

Howlgalka ayaa ka dhacay degaanka Daarusalaam, oo qiyaastii 60-KM u jira magaaladda Muqdisho, waxaana uu billowday markii ciidamada watey diyaaraddo ay ku daateen meel ku dhaw fariisamaha Al-Shabaab.

Ma jiraan illo madax-banaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab, ee ku aadan dilka Sarkaalka Mareyakanka, iyadoo howlgalkan dhacay xalay uu kusoo beegmayo xilli AFRICOM ay kordhisay duqeymaha dalka Soomaaliya.

Sanadkii tagey, hal Askari oo Mareykanka ay ahaa lagu dilay degaanka Bariire, oo ku dhawa Daarusalaam kadib markii dagaal halkaasi kula galaan xoogaga Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa saldhig weyn ku leh degaanka Balli-Doogle, oo la rumeysan yahay in laga qaado duqeymaha diyaaradaha Drones-ka ka fuliyaan gobolka Shabeellaha Hoose.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM