Sarkaal Sare oo ka Tirsan Al-Shabaab oo Gacanta lagu Dhigay

Image

MUQDISHO - Howlgal wadajir ah oo ay fuliyeen ciidamada howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee taageerada iyo xasilinta Soomaaliya (AUSSOM) iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa lagu soo qabtay sarkaal sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab. Sarkaalkan oo lagu magacaabo Salaad Cusmaan Macalin, oo loo yaqaanno (Sahm), ayaa laga soo qabtay duleedka waqooyi-galbeed ee deegaanka Mubaarak maalintii Khamiista.

Bayaan ka soo baxay nidaamka AUSSOM ayaa lagu sheegay in baaritaannadii ugu horreeyay ay muujiyeen in mid ka mid ah saaxiibadiisa oo lagu magacaabo Ismaaciil, una dhashay dalka Kenya, uu isku diyaariyay inuu fuliyo weerar ismiidaamin ah. Salaad oo 40 jir ah, ayaa la qabtay xilli uu ku jiray sahan uu ku ogaanayay fariisimaha ciidanka si uu u qorsheeyo weerar dharbaaxo ah.

Xilliga la qabanayay, sarkaalkan waxaa la socday koox dagaalyahanno ah oo ay ka mid ahaayeen 17 ajaaniib ah oo dhawaan laga soo diray xarunta taliska Al-Shabaab ee magaalada Jilib, halka shakhsi kale oo lagu magacaabo Salmaan uu ku guuleystay inuu goobta ka baxsado. Salaad Cusmaan ayaa kooxda ku biiray sanadkii 2009-kii, waxaana loo arkaa hoggaamiye saameyn ku leh fulinta iyo qorsheynta weerarada ka dhaca magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda.

Taliyaha Qaybta Koobaad ee AUSSOM, Jackson Kayanja, ayaa ku bogaadiyay ciidamada wadajirka ah guusha ay ka gaareen howlgalkan, isagoo ku ammaanay foojignaanta iyo xirfadda ay muujiyeen. Taliyaha ayaa sidoo kale ugu baaqay madaxda deegaanka iyo bulshada inay si dhow ula shaqeeyaan ciidamada amniga si looga hortago khatarta argagixisada, loona xoojiyo xasiloonida guud ee dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalal Muslimiin ah oo cambaareeyay safaarad Somaliland sheegtay inay ka furanayso Qudus

Waxay sidoo kale si cad u diideen tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo ay sheegeen in ay wiiqayso madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya.

  • Soomaliya

    24-05-2026

  • 12:54PM

Shacabka Muqdisho oo loo oggolaaday inay Codkooda ku soo doortaan Madaxda Degmooyinka

Dowladda federaalka ayaa muddooyinkii dambe waday dadaallo lagu dhisayo goleyaal deegaan iyo doorashooyin ka hirgala gobolka Banaadir.

  • Soomaliya

    24-05-2026

  • 09:33AM