Sarkaal sare oo kasoo goostay Al-Shabaab oo lasoo bandhigay

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Milatariga Soomaaliya ayaa wuxuu soo bandhigay dagaalame ay sheegeen in uu ka tirsanaa kooxda gacan-saarka la leh Shabakadda Al-Qaacidda ee Al-Shabaab.

Xuseen Xasan Ambeerwa oo la tilmaamay in uu muddo kamid ahaa xoogagaasi ayaa waxa uu iska dhiibay degaanadda Jubbaland, halkaasi oo ciidamada dowladda ay kusoo dhaweyeen.

Wareysi laga qaadey ayuu Ambeerwa shaaca ka qaadey xogo xasaasi ah oo ay kamid tahay in uu "khilaaf ka dhex-jiro" hogaanka Al-Shabaab, taasina ay keentay in uu soo baxsado.

Taliska Ciidanka Xooga Soomaaliyeed oo war-saxaafadeed kasoo saarey isa soo dhiibitaanka sarkaalkan ayaa ku tartarsiiyey xubnaha baaqiga kusii ah Al-Shabaab in ay kasoo baxsadaan.

Talaabadan ayaa imaaneysa iyadda oo bilooyinkii lasoo dhaafey ay isa soo tarayeen dagaalameyaasha Shabaabka kasoo baxsanaya ee isu soo dhiibaa ciidanka dowladda ee Jubooyinka.

Tan iyo bilowgii sanadkan 2019, in ka badan tobban dagaalame oo Al-Shabaab kamid ahaa ayaa iska dhiibay gobolkaasi, kuwaasi oo qaarkood ay ku jireen saraakiil sar-sarre.

Intaasi waxaa wehlisa in ay jiraan tirro kale oo goboladda kale ee dalka sida Shabeelooyinka iska dhiibay, kuwaasi oo sheegay in ay ka tanaasuleen fekerkii xagjirnimadda.

Qaar kamid ah xubnahaasi ayaa loosoo duuliyey Muqdisho, waxayna haatan ku sugan yihiin xarunta nabad-sugida iyo sirdoonka qaranka oo dhaqan-celin loogu sameynayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM