Sarkaal Shabaab ah iskana dhiibay Jubbaland oo Muqdisho la keenay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Sarkaal sare oo kamid ah Al-Shabaab kaasi oo isku soo dhiibay ciidanka dowladda ayaa laga soo dejiyay magaalada Muqdisho, sidda ay Garowe Online u xaqiijiyeen saraakiil.

Horjoogahaan oo magaciisa lagu sheegay Aadan Coobe ayaa maanta iska dhiibay magaaladda Baardheere ee gobolka Gedo, halkaasi oo ay ku qaabileen ciidanka dowlada gaar ahaan kuwa Jubbaland.

Sirdoonka Soomaaliya [NISA] ayaa shaacisay in dowladda ay u sahashay Aadan in uu kasoo goosto dagaalamayaasha xiriirka la leh Al-Qaacida, inkasta oo aysan fahfaahin ka bixin nooca doorkaasi.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Aadan ay wehliyeen markii uu iska dhiibayay xarunta gobolka Gedo dagaalamayaal kale. Balse lama hubbo hadii keenistiisa Muqdisho ay ku wehliyaan.

Xoogaga Al-Shabaab, ee dagaalka wada in ka badan tobban sano, illaa iyo haatan kama aysan fal-celin sheegashada kasoo yeertay dhinaca xukuumada Muqdisho.

Talaabadaan ayaa kusoo aadeysa iyada oo isbuucaan madaxwayne Farmaajo ka dalbaday Culimada Soomaaliyeed in ay ka shaqeeyaan bilaabida wadahadalo dhex-mara dowlada iyo Al-Shabaab.

Farmaajo oo bilooyinkii ugu horeeyay talada dalka uu hayo ku cel-celiyey in uu cafis u fidiyey xubnaha kamida Al-Shabaab ayaa u balanqaaday in ay helayaan soo dhaweyn diiran.

Inta badan xubnaha Shabaabka kasoo goosta ayaa la geeyaa xarunta hay'adda NISA ee Habar Khadiija, halkaasi oo ay ku jiraan rag culus oo ay kamid yihiin Xasan Daahir Aweys iyo Mukhtaar Roobow.

Bishii hore ee Maaj ayay ahayd markii laba Shabaab ka tirsanaa oo mid kamida uu ahaa taliye urur ciidan ay isku soo dhiibeen dowlada, kuwaasi oo ku jira xarumaha dhaqan-celinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM