Sarkaal Shabaab ah iskana dhiibay Jubbaland oo Muqdisho la keenay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Sarkaal sare oo kamid ah Al-Shabaab kaasi oo isku soo dhiibay ciidanka dowladda ayaa laga soo dejiyay magaalada Muqdisho, sidda ay Garowe Online u xaqiijiyeen saraakiil.

Horjoogahaan oo magaciisa lagu sheegay Aadan Coobe ayaa maanta iska dhiibay magaaladda Baardheere ee gobolka Gedo, halkaasi oo ay ku qaabileen ciidanka dowlada gaar ahaan kuwa Jubbaland.

Sirdoonka Soomaaliya [NISA] ayaa shaacisay in dowladda ay u sahashay Aadan in uu kasoo goosto dagaalamayaasha xiriirka la leh Al-Qaacida, inkasta oo aysan fahfaahin ka bixin nooca doorkaasi.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Aadan ay wehliyeen markii uu iska dhiibayay xarunta gobolka Gedo dagaalamayaal kale. Balse lama hubbo hadii keenistiisa Muqdisho ay ku wehliyaan.

Xoogaga Al-Shabaab, ee dagaalka wada in ka badan tobban sano, illaa iyo haatan kama aysan fal-celin sheegashada kasoo yeertay dhinaca xukuumada Muqdisho.

Talaabadaan ayaa kusoo aadeysa iyada oo isbuucaan madaxwayne Farmaajo ka dalbaday Culimada Soomaaliyeed in ay ka shaqeeyaan bilaabida wadahadalo dhex-mara dowlada iyo Al-Shabaab.

Farmaajo oo bilooyinkii ugu horeeyay talada dalka uu hayo ku cel-celiyey in uu cafis u fidiyey xubnaha kamida Al-Shabaab ayaa u balanqaaday in ay helayaan soo dhaweyn diiran.

Inta badan xubnaha Shabaabka kasoo goosta ayaa la geeyaa xarunta hay'adda NISA ee Habar Khadiija, halkaasi oo ay ku jiraan rag culus oo ay kamid yihiin Xasan Daahir Aweys iyo Mukhtaar Roobow.

Bishii hore ee Maaj ayay ahayd markii laba Shabaab ka tirsanaa oo mid kamida uu ahaa taliye urur ciidan ay isku soo dhiibeen dowlada, kuwaasi oo ku jira xarumaha dhaqan-celinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM