Sarkaal Turkiga u tababar Soomaaliya oo "la khaarijiyey"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Sarkaal ka tirsanaa ciidamada Turkiga u tababaray Soomaaliya ayaa xalay lagu dilay degmada Wadajir ee Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen dhowr mas'uuliyiin dhanka amaanka ah.

Maxamed Cali Yarami ayaa, sida ay macluumaadyada muujinayaan, waxaa beegsatay dabley kuwaas oo ka baxsadey goobta ay wax ka dhaceen kahor inta aysan soo gaarin ciidamadda amniga.

Maleyshiyada Al-Shabaab oo dusha u ridatay mas'uuliyada falkan madax jabiska ah ayaa tibaaxdey in Yarami uu ahaa taliye horin hase ahaatee waxay magaciisa ku sheegeen Axmed Cali.

Saraakiil ka tirsan ciidamadda Gorgor oo Yarami ka tirsanaa ayaa u sheegay Garowe Online in marxuumka uu kamid ahaa cutubyaddii ugu dambeeyay ee tababarka kaga soo laabtey waddanka Turkiga.

"Yarami oo ifka kaga tagay xaas iyo caruur wuxuu ku jiray saraakiisha ugu firfircoon ciidamadda. Waa midaas sababta dhalisay in uu noqdo taliye horin. Hami sare ayuu lahaa," ayuu yiri sarkaal.

Marka laga soo tago askar iyo saraakiil kale oo ku dhintay weerar gadmo ah, qarax jidgal ah ama mid toos ah, Yarami ayaa noqonaya sarkaalkii u horeeyay ee Gorgor looga khaarijiyo toogasho.

Falalka madax-jabiska ah ayaa aalaaba waxay kusoo bataa gudaha Soomaaliya xilliyada doorashooyinka, waxaana ay Al-Shabaab ay ku beegsataa askarta, saraakiisha amniga iyo odayaasha dhaqanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM