Sarkaal Turkiga u tababar Soomaaliya oo "la khaarijiyey"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Sarkaal ka tirsanaa ciidamada Turkiga u tababaray Soomaaliya ayaa xalay lagu dilay degmada Wadajir ee Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen dhowr mas'uuliyiin dhanka amaanka ah.

Maxamed Cali Yarami ayaa, sida ay macluumaadyada muujinayaan, waxaa beegsatay dabley kuwaas oo ka baxsadey goobta ay wax ka dhaceen kahor inta aysan soo gaarin ciidamadda amniga.

Maleyshiyada Al-Shabaab oo dusha u ridatay mas'uuliyada falkan madax jabiska ah ayaa tibaaxdey in Yarami uu ahaa taliye horin hase ahaatee waxay magaciisa ku sheegeen Axmed Cali.

Saraakiil ka tirsan ciidamadda Gorgor oo Yarami ka tirsanaa ayaa u sheegay Garowe Online in marxuumka uu kamid ahaa cutubyaddii ugu dambeeyay ee tababarka kaga soo laabtey waddanka Turkiga.

"Yarami oo ifka kaga tagay xaas iyo caruur wuxuu ku jiray saraakiisha ugu firfircoon ciidamadda. Waa midaas sababta dhalisay in uu noqdo taliye horin. Hami sare ayuu lahaa," ayuu yiri sarkaal.

Marka laga soo tago askar iyo saraakiil kale oo ku dhintay weerar gadmo ah, qarax jidgal ah ama mid toos ah, Yarami ayaa noqonaya sarkaalkii u horeeyay ee Gorgor looga khaarijiyo toogasho.

Falalka madax-jabiska ah ayaa aalaaba waxay kusoo bataa gudaha Soomaaliya xilliyada doorashooyinka, waxaana ay Al-Shabaab ay ku beegsataa askarta, saraakiisha amniga iyo odayaasha dhaqanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo u ogolaatay Itoobiya inay qeyb ka noqoto AUSSOM

Taliyeyaasha ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay taageerto dhismaha awoodaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

  • Soomaliya

    23-02-2025

  • 07:11PM

Madaxda Sirdoonka iyo Militeriga Itoobiya oo booqday Muqdisho

In kasta oo ciidamada Itoobiya ay muddo dheer joogeen Soomaaliya, heshiiskani wuxuu muujinayaa iskaashi rasmi ah iyo qaab-dhismeed leh.

  • Soomaliya

    23-02-2025

  • 12:41PM