Sarkaalka CIA-da Mareykanka looga dilay Soomaaliya oo la aqoonsaday

Image

WASHINGTON, US – Sarkaalka CIA-da Mareykanka looga dilay Soomaaliya ayaa hayey shaqo aad muhiim ugu ah Washington, sidda ay warisay saxaafadda Mareykanka oo aakhiritaankii baahisay aqoonsigiisa rasmiga.

Michael Goodboe, sarkaalka dhintay, wuxuu ahaa qandaraasle waxaana loo maleynayaa in weerarka lagu dilay ay soo qaadey Al-Shabaab.

Sidda ay warisay jariirada New York Times, sarkaalkaas oo u dhintay dhaawac kasoo gaarey dagaal ay la galeen Al-Shabaab ayaa ka tirsanaa Waaxda CIA-da ee fulisa howlgaladda gaarka ah isla markaana halista ah.

Telefishinka CNN wuxuu intaas ku daray in sarkaalkan oo horey uga mid ahaa Ciidamadda Badda Mareykanka gaar ahaan guutadda loo yaqaano Team 6 wuxuu geeriyooday isagoo saalada qaliinka lana daaweynayo.

Tani ayaa la macno ah in dhaawaciisa uu ahaa mid khatar ah. Hasayeeshee, wali ma cadda goobta iyo goorta uu ka dhacay dagaalka lagu khaarijiyey.

Dhanka kale, hay'adda sirdoonka dibadda Mareykanka ee CIA-da ayaan wali ka jawaabin codsiyo ku saabsan ka warbixinta geerida sarkaalka.

Dhimashadda ayaa kusoo hagaageysa xilli maamulka Donald Trump ee muddo xileedkiisu dhamaadka yahay uu ku fekerayo in uu waddankooda dib ugu celiyo 700 askari ee Ameerika kaga sugan gudaha Soomaaliya.

Ciidamada Mareykanka ee jooga dalka dhaca Geeska Afrika ayaa bixiya tababaro waxaana ay fuliyaan duqeymo ka dhanka ah maleeyshiyaadka Al-Shabaab ee gacansaarka la leh shabakadda argagixisadda ah ee Al-Qaacida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Difaaca Soomaaliya: Awoodda Al-Shabaab waxaan ku daciifinay duqeymo

Sidoo kale, in ka badan 20 dagaalyahan oo Al-Shabaab ka tirsan ayaa lagu dilay duqeyn hawada ah, taas oo ka dhacday deegaanka Ceel-Bacad.

  • Soomaliya

    09-03-2025

  • 08:22PM

Hogaamiye katirsan Al-Shabaab oo lagu dilay Duqayn 

Ciidamada Maraykanka ayaa gacan ka geystay ka hortagga khataraha Al-Shabaab ku hayso dalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    09-03-2025

  • 12:49PM