Sawir-qaade ka tirsanaa ciidanka Soomaaliya oo la dilay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dabley lagu tuhunsan yahay Al-Shabaab ayaa Arbacada maanta ah waxay isgoyska Howlwadaag ee caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ay ku dishay sawir-qaade ka tirsanaa Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, sidda ay Garowe Online xaqiijiyeen mas'uuliyiin dhanka ammaanka ah.

Marxuum Cabdiqaadir Awlad Yarre ayaa, sidda ay soo wariyeen goobjoogeyaal, waxaa lagu dilay nawaaxiga mehrad uu ka shaqeynayey.

Kooxda hubeysan ee ka dambeysay falkaas ayaa goobta ka baxsatay kahor inta aysan meesha tagin ciidamadda ammaanka Soomaaliya.

Bashiir Maxamed Jaamac, taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta oo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook, ayaa Al-Shabaab ku eedeeyay "in ay dishay wiil dhalinyarro ah oo hammi weyn ka lahaa bad-baadinta dalkiisa".

"Allaha u naxariisto Awlad Yare oo ahaa sawir qaade ka tirsan Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, horayna ii-la soo shaqeeyay waxa uu ahaa wiil dhalinyarro ah oo hammi weyn ka lahaa bad-baadinta dalkiisa," ayuu qoray.

Sareeye Guud Bashiir Guube ayaa ku daray: "Maleeshiyadda arxanka daran ee Al-Shabaab ayaa ku dilay degmada Howlwadaag waxaan u tacsiyeenayaa Qoyskiisa Saaxibadiisa, iyo Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed".

Xoogaga gacansaarka la leh shabakadda argagixisadda ah ee Al-Qaacidda ayaan wali wax war ah kasoo saarin toogashadda sawir-qaadaha.

Al-Shabaab ayaa aalaba marka waddanka uu galo mar-xaladda kala guurka waxay dardargelisaa beegsiga mas’uuliyiinta dowladda, saraakiisha ciidamadda, xubnaha ehelkooda iyo shaqaalaha kale ee xukuumadda, iyadda oo dooneysa in ay khalkhal amni iyo walaac abuurto kahor doorashooyinka federaalka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo laga joojiyay qorshe muran badan dhaliyay

Sidoo kale, Waxaa la faray hay’adaha ku shaqada leh arintan lagu dhacayo dadka inay si degdeg ah u joojiyaan, illaa amar dambe.

  • Soomaliya

    03-02-2025

  • 04:23PM

Jubaland oo Wadahadal ugu baaqdey dowladda Soomaaliya

Wasiirka oo VOA ay wareystay ayaa ka hadlay soo noqoshada uu Kismaayo ku soo noqday Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe oo Kenya.

  • Soomaliya

    03-02-2025

  • 07:20AM