Sawir qaade u shaqeynayay TV-ga SBS oo lagu diley Muqdisho

Image

MUQDISHO- Sawir qaade ka tirsanaa TV-ga SBS xafiskiisa Muqdisho ayaa waxa galinkii dambe ee maalintii shaley toogasho ku diley askari ka tirsan ciidamada dowlada oo ka howgala degmada Waaberi.

AHN Candirizaq Qaasim Imaan ayaa dilkiisa waxaa cambareeyey ururka saxafiyiinta Soomaaliya oo sheegey in dilkaan wariyaha kamid tahay xafgudbyada loo geysto Wariye-yaasha ka howlgala dalka Soomaaliya.

Agaasime ka tirsan TV SBS ayaa saxaafada u sheegey ineysan garaneyn sababta loo diley Cabdirizaq xabadaana lagu dhuftey isagoo aan wax dambi ah ku leh laheyn. 

Maxamad Nuur Dhaqane oo u hadlay TV ayaa ka dalbadey dowlada Federaalka ah in si deg deg ah sharciga loo horkeeno askariga dilkaan gaystey.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa kamid ah wadamada ugu badan ay ka dhacaan dacadiyada loo gaysto saxafiyiinta. 

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM