Sawirro ku saabsan Soomaaliya oo "huriyey" dibadbaxyaddii Nigeria
ABUJA, Nigeria – Sawirro ku saabsan Soomaaliya ayaa qayb ka ahaa hurinta toogashada ciidamada amniga u geysteen banaanbaxayaashii Nigeria ee kasoo horjeeday unug kamid ah booliska, sidda uu shaaciyey mas'uul sarre.
Abubakar Malami, wasiirka cadaaladda ahna dacwad-oogaha guud ee waddankaas, ayaa tibaaxay in sawirada loo ekeysiiyey Nigeria iyaddoo la adeegsanayo Photoshop, balse ma soo bandhigin caddeymo.
Isagoo ka hadlayey shir jaraa'id oo warfaafinta Madaxtooyadda Nigeria qabatay, Malami ayaa wuxuu carabka ku dhufatay in hadafka laga lahaa sawiradaas la been abuuray ay ahyad in lagu kiciyo mudaaharaadyadda.
"Sawirada lagu sameeyo Photoshop-ka iyo sawirada la been abuurayo waxay illaa haatan Nigeria ka yihiin muskhilad aad looga walaaco," ayuu yiri.
Wasiirka ayaa intaas ku daray: "Waxaan arkaynay sawirada Rwanda, Soomaaliya iyo Suuriya kuwaasoo laga dhigayey Nigeria iyaddoo hadafka uu ahaa in lagu sii huriyo dhibaatadda ama jahwareerka xilligaas jiray".
Hadalka wasiirka ayaa kusoo hagaagaya xilli xukuumadda Lagos ay wajaheyso cadaadis caalami ah oo ku saabsan in ay caddeyso ciddii ka dambeysay toogashada tobanaan shacab ah intii ay banaanbaxaddu socdeen.
Dacwad-oogaha ayaa ka dhawaajiyey in ay tuhunsan yihiin in toogashadda ay geysteen kooxo hubeysan oo burcad ah, isagoo ka fogeeyay ciidamadda amniga, balanqaadeyna in baaris socoto lagu soo bandhigi doono runta.
Dibad-baxyadda Nigeria oo todobaadyo socday ayaa ka dhashay muuqaal qabsaday baraha bulshadda kaasoo muujiyey Cutubyada Bileyska ee la dagaalanka burcadda kuwaasoo si arxan darro ah u jirdilaya shacab aan hubeysaneyn.
Markii mudaaharaadyadda kusii fideen magaalooyinka waaweyn oo caasimada Abuja kamid tahay, booliska ayaa lagu eedeeyay in ay adeegsadeen awood xad-dhaaf si ay u kala eryaan dadweynaha sidda nabada ah ku banaanbaxayey.
Dowladda ayaa aakhiritaankii soo rogtay bandow taasoo sababtay in banaanbaxyadu istaagaan. Madaxweyne Maxamaduu Buhaari wuxuu sheegay in aysan ogolaan karin rabashado, balse wuxuu ka gaabsaday toogashadda rayidka.
GAROWE ONLINE