Sayid Cali: Xilka qaadistayda waxaa lagu qarinayaa fashilka Guddiga Doorashadda [DAAWO]

Image

MUQDISHO, Somalia - Sayid Cali Axmed ayaa markii ugu horeysay ka jawaabay xil ka qaadis la sheegay inuu ku sameeyay Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka heer Soomaaliya oo uu ka ahaa Gudoomiye ku xigeen.

Mr Axmed oo gabi ahaanba kasoo horjeestay shaqo ka eryidiisa ayaa ku tilmaamay mid aanan loo marin haananka sharciga ahaa, isaga oo ku doodaya in kaliya Baarlamaanka uu xilka ka qaadi karo.

Gudoomiyaha Guddiga Xaliimo Ismaaciil [Xaliimo Yarey] ayuu ku eedeeyay in xilka qaadistiisa ay ku “qarinayso” fashil fara badan iyo maamul xumo hareeray muda ay xafiiska joogtay.

“Guddiga wuxuu ka kooban yahay 9-xubnood qoraalka liita ee soo baxayna waxaa ku saxiixan Lix xubnood oo waxyaabo daciif ah lagu qanciyay, taasi oo muujineysa inaanu Guddigu is-raacsaneen,” ayuu yiri.

Sayid Cali ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu hortago Gollaha Sharcidejinta dalka, si uu warbixin guud oo ku saabsan musuq-maasuq uu tilmaamay inay ku kaxday Xaliimo Yarey uu ugu gudbiyo.

Guddiga doorashooyinka heer Qaran ee Soomaaliya oo taageero joogto ah ka hela Beesha Caalamka ayaa waajibaadka looga fadhiyo waxay tahay inay dalka ka hir-geliyaan doorasho qof iyo cod ah 2020-ka.

Khilaafkaan cusub oo dhexdooda soo galay ayay xeel-dheerayashu sheegayaan inuu shaki gelin karo qabsoomida doorashadaasi, taasi oo haatan ay ku hareeraysan yihiin cabaqado ay ugu sareyso amniga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM