Schwartz: Farmaajo wuxuu isku haleynaa lacagta Qadar
WASHINGTON, USA – Dowladaha taageeraya taliska Farmaajo waa in ay dib uga fekeraa qorshahaas, sidda uu cod dheer ugu baaqay safiirkii hore ee Mareykanka u qaabilsanaa Soomaaliya kaasoo madaxweynaha waqtiga ka dhacay ku eedeeyay in uu dalka "u jiheeyay kala qeybsanaan iyo rabashaddo".
Stephen Schwartz oo u waramay laanta afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA-da ayaa si adag wuxuu u dhaleeceeyay dowladda Farmaajo ee muddo xileedkeeda dastuuriga ah uu dhamaadey 8-dii Febraayo, 2021-da.
Farmaajo ayuu si toos ah ugu eedeeyay xaalada cakiran ee hadda dalka ku jiro maadaama uu afartii sano ee lasoo dhaafay hab-dhaqankiisu ahaa in aysan dhicin doorasho heshiis lagu yahay, diidey la shaqeynta maamulada "marka laga reebo kuwa uu isaga awooda ku taageeray oo daacad u ah".
Dowladda federaalka ayuu xusay in ay si adag ugu jawaabeyso dalabyada Beesha Caalamka "iyaddoo isku haleyneysa lacagta sirta ah ee Qadar, taageerada milatari iyo ciidan ee xulafadeeda qaaska ah- Turkey iyo Eritrea".
Mareykanka ayuu cod dheer ku waydiistey in uu qaado talaabooyin kale oo dheeraad ah oo ka baxsan hanjabaadaha dhowaan kasoo yeeray ee ay kamid tahay xayiraad kusoo rogida madaxda caqabada ku ah qabsoomida doorashooyin nabdoon oo lawada aqbalo natiijadda kasoo baxeysa.
"Sababtoo ah Ma jirto fursad in Farmaajo uu si la door-bido uga jawaabo codsiyada Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Mareykanka, UK, Midowga Afrika iyo kuwa kale," ayuu diblumaasigu hoosta ka xariiqay.
Washington ayuu ku tartarsiiyey in ay "si waxtar leh hoos ugu dhigto xiriirka dowladda sharci daradda ah aysana howlgelin safiirka cusub".
Inkasta oo uu carabka ku dhuftay in Itoobiya kamid tahay dalalka taageera taliska Farmaajo, haddana Addis Ababa ayuu ka dhawaajiyey "in aysan car-car u ahay sidii hore sababo ku aadan colaada ka oogan gobolka Tigray".
Turkey, Qadar iyo Itoobiya oo si weyn ugu dhow Farmajao tan iyo markii uu xafiiska la wareegay ayaanan qeyb ka ahayn bayaankii u dambeeyay ee Beesha Caalamka sida wadajirka uga soo saartay xaalada dala si gaara muddo kororsiga sharci darada ah ee maamulka waqtiga ka dhacay sameystay.
Ankara iyo Dooxa ayuu si toos ah ugu digay in ay "noqon karaan kuwa aan waqti badan lasoo dhaweysan" haddii ay sii wadaan in ay Farmaajo ku taageeraan "dhabaha khaldan" ee dalka ku wadaan "maadaama haddii Fahad iyo Farmaajo meesha ka baxaan cidda imaan doonta aysan xiriir la yeelan doonin".
Dhismaha ciidanka qaranka ayuu sheegay in aan wax horumar ah laga sameyn sanadihii u dambeeyay walina uu ku xoogan yahay qabiilka si weynna u hooseeyo anshax ahaan "taasoo adkeyneysa in ay bedelaan AMISOM".
Ugu dambeyntii, agaasimaha hay'adda nabad-sugida qaranka, Fahad Yaasiin Daahir, ayuu ku sifeeyay "marinka lasoo marsiiyo lacagta ka timaada Qadar, nin si weyn saameyn ugu leh madaxweynaha iyo shaqsi aad ugu milmay siyaasadda taasoo nugleyneysa caqabadna ku noqoneysa tanaasul yimaadda".
GAROWE ONLINE