Senate-ka: Waa sharci darro xeerka uu Farmaajo saxiixay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Afhayeenka Aqalka Sare ee baarlamaanka muddo dhaafay ee Soomaaliya ayaa Axada maanta ah wuxuu caddeeyay mowqifkiisa saxiixa madaxweynaha waqtiga ka idlaadey ee todoba xubnood ee Golaha Adeega Garsoorka.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo war qoraal ah soo saarey ayaa shaaca ka dhigay in talaabadda uu ku dhaqaaqay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay baalmarsan tahay shuruucda waddanka iyo guud ahaan dastuurka ku meelgaarka ah ee u yaala qaranka.

Xeerkaas uu qalinka ku duugay Farmaajo waxaa u soo gudbiyey Golaha Shacabka ka gedaal markii ay soo meelmarisay xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya.

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale wuxuu saxiixay xubnahaas ayadda oo aan loo gudbin Senate-ka, taas oo ka hor-imaaneysa dastuurka qabyadda ah ee waddanka.

Sharci-yaqaano iyo siyaasiyiin oo ka hor-yimid saxiixa madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaadey ayaa ku waaniyey in uu ka laabto talaabada uu qaadey.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbiga Wadajir ahna musharax madaxweyne, ayaa sheegay in Farmaajo damacsan yahay in uu dhiso Maxkamadda Dastuuriga "si ay qiil ugu sameyso in uu xukunka sii joogo".

Xaashi ayaa cod dheer ugu baaqay Farmaajo iyo xukuumadda muddo xileedkeeda uu dhamaadey "in ay joojiyaan ku xadgudubka qodobada dastuuriga ah inta laga dhisayo hay'ado dastuuri oo cusub una hogaan-samaan dastuurka KMG iyo shuruucda".

Hoos ka akhriso qoraalka Cabdi Xaashi

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM